Friday, December 12, 2014

Akhristow Wax Ka Barro Qayb Ka Mid Ah Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

images (1)(GNA) Waa Qoraal aanu akhristayaashayada kula wadaagayno qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

 

- Xasuusnoow in Ilaahay uu kaa jecel yahay Hooyadii ku dihatay, haddii aad dareento cidlo, in lagu nacay, war-war ama in noloshu aanay macne togan kuu lahayn, ogow in aad dambaabtay, sidaa awgeed Alle u noqo.

 

- Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marnaba kama wayna naxariista Alle. sidaa awgeed Isaga u toobadkeen go’aansana in aanad ku noqon.

 

- U iibso wax in aad u baahantahay, ha u iibsan cid inaad ugu faanto ama aad u muujiso in aad ka sarayso. Ogow, su’aalaha u horeeya ee maalinta Qiyaamaha qofka la waydiinayo, waxa ka mid ah; halka aad ka keentay maalka iyo halka aadku bixisay.

 

- Qani iyo Faqiir mid kasta oo aad tahay, Nadaafadda iyo nidaamku waa waajib. “Arrad waa dan Uskagna waa Doqonniimo”

 

- Ka dheeroow gacan adayga, ogow, waxa aad sadaqaysato ayuunbaa kuu ah Raasamaal Dhab ah.

 

- Xasuusnoow in sadaqaddu ay ka bilaabanto guriga. (Qoyska iyo Ehelka).

 

- Qorshaha iyo nidaamka fiicani waa Furaha guusha, ku dadaal in aad mar walba gurigaaga u samayso qorshe Miisaaniyadeed.

 

- Caruurtaada u kala sooc jiifka. Dhaqanka suubani waa in innamada iyo habluhu ay noqdaan kala qol ama ugu yaraan kala furaash.

 

- Wax aad karto ha u diidin waalidkaa, ogow oo adiga iyo maalkaagaba isaga ayaa leh.

 

- Aabaha iyo hooyaduba waa lama huraan waxa aanay mudan yihiin ixtiraam iyo la dhaqan suuban. Laakiin haddii ay ka fursan waydo in aad kala doorato hooyada dhanna ha u dhaafin.

 

- Alle ma qaddaro ee, haddii waalidkaa aanu ahayn muslim ha ka tagin in aad ixtiraamto.

 

- Qof waliba waa uu jecel yahay waalidkii, qofna waalidkii ha caayin, waayo waxa dhici karta in adigana uu caayo waalidkaa, haddii ay sidaa u dhacdana adiga ayaa ka masuul ah labada cayda waalidkaa, waayo adiga ayaa u soo jiiday.