Mid ka mid ah Xafiisyada dadka lagu baadho[/caption]
Burco(GNA) Shirkad Magaceeda la yidhaahdo Tiens oo sheegtay inay Iibiso Daawooyin aan la garanayn noocooda, isla markaan dhalinyarta isugu keentay xafiisyo ay leeyihiin ayaa Maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Burco si aad ah looga hadal hayay.
Shirkaddan oo nooca Ganacsigeedu uu yahay Shurako dadka wax iibsadeyaasha ahi qayb ka noqonayaan, isla markaana hore Magaalada Hargeysa ugu lahayd xarumo noocan ah oo markii dambe laga joojiyay, ayaa qof marka ugu horaysa ee uu wax ka iibsado laga qaadayaa lacag dhan laba boqol iyo shan iyo labaatan Dollar ($225).lacagtaasoo shan iyo labaatan ka mid ah qofka lagu diwaan-gelinayo inta kalena lagaga iibinayo Kiriimyo nooca nafaqada jidhka ka mid ah iyo Daawooyin kuwa Haweenku isku qurxiyaan ah.
Sidoo kale, waxa la sheegay in Qofka iska diwaan-geliya Shirkaddu uu ka mid noqonayo Shurakada, isal markaana hadii uu qof kale keeno uu helayo lacag Komishar ah iyo derejo dheeraad ah, waa sida ay warka ku sheegeen dadweynaha reer Burco ee ka qayb galay Baayac mushtarkaniye.
Geesta kale, waxyaabaha ay kooxdani ku soo jiidanayaan Macaamiisha waxa ka mid ah in ka qayb-gelayaasha mashruucani ay helayaan fiiseyaal iyo fursado kale oo adeeg, waxaanay taasi sababtay inay lacaggo badan dadka kaga uruursadeen laba xarumood oo ay ka furteen Magaalada dhexdeeda.
Ma jiro wax tafaasiil ah oo ay laamaha dawladda ee Gobolka iyo xukuumadda dhexe toona ka soo saareen Shirkaddan oo gudaha Magaalada Burco dareenka laga qaatay iyo shakiga laga muujiyey uu gaadheen in qaar ka mid ah Masaajidada Magaalada Burco loogaga digo Bulshada inay wax macaamil ah la sameeyaan.
Culimada Masaajidadda ayaa uga digay Kooxda Shirkaddan wadata inay isu keenaan dad aanay diintu isu banayn inay wada fadhiistaan oo ah dhalinyaro rag iyo dumar ah, sidoo kale waxay culimaddu mugdi geliyeen qaabka uu Ganacsiga noocan ahi u waafaqayo Diinta.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkaddan laga shakiyay oo looga jawaabayo eeddeymaha uga yimi culimadda iyo Dadweynaha kale ee foojignaanta ka muujiyay ganacsigeeda, hase ahaatee dadka xidhiidhka la sameeyay ayaa dhinaca kale ku micneeyay nooca ganacsigan Mashruucii dadka badan lagu dhacay ee Jiif oo Jaq la odhan jiray, kaasoo iska shabahaan lacagta Dheef korka ah ee la siinayo qofka macbiil cusub keena.
,”waxaan ku idhi ii keena qof hantiile ah oo magaalada degan,waanay keeni waayeen''sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah wax garadka reer Burco oo u dhabo galay nidaamkan ganacsi ee lala xidhiidhiyay shabakaddii Jiif oo jaq ee fashilantay sanadkii 2008-dii, xilli boqolaal qof oo reer Somaliland ah lagu khiyaameeyay, hantidoodiina lagaga dhacay.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office