Hab-dhaqanada Hogaamiyeyaasha Kali-taliska ah ama xukunkoodu u jan-jeedho Digtaatooriyada ayaa waxa ka mid ah Ammaan jeceyl, Faanka, amar ku taagleyn xad-dhaaf ah iyo inay faro-gelin ku sameeyaan xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshada rayidka ah, waxaanay aallaba indho fiiq-fiiqan ku eegaan meelaha ay ku tuhmayaan inay falaadh siyaasaddeed kaga soo dhici karto.Nidaamyada ku dhisan Kali-taliska, oo marka si guud looga hadlayo ka wada siman Shiiqinta afkaaraha siyaasaddeed ee ku lidiga ah, ayaa hadana u kala baxa dhowr nooc oo mid waliba qaab gooni ah ula dhaqmo/ u maamulo Shacbigiisa.
Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Caalamka ee huwan Mabda’a Kali-taliska ee laga soo miin-guuriyey Nidaamkii Hanti-wadaaga ee Cahdigii Soviet-ka, ayaa ku kala duwan qaabka ay wakhtigan u isticmaalaan Jihaynta Shucuubta, waxaanay badankoodu ku dabaqaan Nidaamka Dimuquraadiga ah oo ay boqolkiiba Sideetan Kuraasta ku hantiyeen, marka laga reebo Inyar oo wali nacaybka reer Galbeedku hadhaadi ku yahay, sida hogaamiyeyaasha waddamada Kuba, Venezuela, iyo waddamo kale oo ka mid ah Qaaradaha Latin Amerika, afrika iyo Yurub intaba.
Waxa jira Dawladdo qaatay nidaamka Dimuquraadiga ah, oo ay hadana madaxdoodu si dadban ugu dhaqmaan Habka Digtaatooriyadda ah, waxaana hogaaminta isku dhafka ah u badan dalalka lagaga dhaqmo Qaarada Afrika.
Marka laysku soo uruuriyo dhamaan siyaabaha ay Madaxda Kali-taliyeyaasha ahi ula tacaamulaan Bulshooyinka ay xukumaan, waxa ay ka simanyihiin Cabudhinta, cadaadiska iyo cunno-qabateynta cid kasta oo Mucaariddada kala hor-timaada, Xisbi, Fallaago ama abaabullo kale midkay doontoba ha noqotee.
Waxa kale oo caado u ah Kali-taliyeyaasha inay si aragtida mucaaridka loo shiiqiyo, indhaha Bulshadana looga jeediyo Barmaamujyada Taban ee ay ku durayaan hogaamintooda, ay inta badan samaystaan fagaareyaal u gaar ah oo ay dadka uga jeediyeen hal-ku-dhigyo iyo Afkaar ay kaga jeedinayaan Haarraanka dhinaca ku lidiga ah ka soo yeedha.
Sidoo kale, waxay isku daraan waxyaabaha danta Guud ah iyo dannaha khaas ahaaneed ee Mujtamaca dhexdiisa, iyagoo inta jecel inay mideeyaan wax-qabadka dadweynuhu fushaday iyo Mashaariicdda dawliga ah ee ay iyagu maamulaan, taasoo ay magac iyo ammaan ka raadiyaan, si kuwa ka soo hor-jeeda ama saluugsan siyaasaddooda shucaac ugu furaan.
Haddaba, marka aynu soo noqono dalka Somaliland, waxa muuqata inay muddooyinkan dambe isa-soo tarayeen hab-dhaqanada u sansaanta iyo sawirka eeg nidaamyada aynu kor ku soo xusnay eek u sifoobay Digtaatooriyadda iyo la-dagaalanka Dimuquraadiyada.
Inkasta oo aanay dadka badankiisu aaminsanayn arrintan, oo marka ay maqlaan u qaadan karaan dacaayad lagu maagayo hogaanka dalka xukuma, hadana marka loo guur-galo dhaqdhaqaaqyada iyo facaa’ilada sida hoose uga soo fula dhanka dawladdu, waxa qof kasta oo wax ka yaqaan Maamulka iyo Siyaasaddu uu dareemayaan inay xukuumaddu kula dhaqanto asxaabta Mucaaridka ah iyo shacbiga laftiisa xeellad aan looga baran dawladdihii hore oo wax badan ka shabahda hab-dhaqannada Digtaytarrada Caalamka.
Xeelladaha ay Xukuumadda Kulmiye kula dagaalanto dadka Siyaasadda lugaha kula jira ee ka soo horjeeda Afkaarteeda, waxa ka mid ah inay buste saarto Dhaliilaha loo soo jeediyo, inay cid kasta oo cambaareysa jawaab uga dhex raadiso Mujtamaca iyo inay goobaha dadweynuhu ku kulmaan sida munaasibadaha ka takoorto hogaamiyeyaasha Mucaaridka ah.
Tusaale ahaan, hadii aynu u soo qaadano, Hogaamiyeyaasha Asxaabta mucaaridka ah iyo dadka kale ee Magaca ku leh bulshada dhexdeeda, balse aan ka mid ahayn Taageeerayaasha Xukuumadda, ayaa waxa beryahan dambe si cad looga joojiyay inay ka hadlaan ama ka qayb-galaan Munaasibadaha aanay dawladdu qabsan ee uu Madaxweynuhu ka qayb-galo.
Inta badan Xafladaha ay qabsadaan Jaamacadaha kala duwan ee Dalka ee ka lagu qabto Magaalada Hargeysa iyo caasimadaha kale, waxa dhif iyo naadir ku ah casuumadda loo fidiyo madaxda Asxaabta Mucaaridka ah, ama kuwo iyaga metelaya oo ku abtirsada labada xisbi ee UCID iyo WADDANI, iyo sidoo kale ashkhaasta kale ee afkaartoodu dhanka Bidix u jan-jeedho.
Sidoo kale xafladaha Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay qabsadaan ayaa iyaguna la mid ah kuwan kor ku xusan oo aanay wax door ah ku yeellan khudbadaha laga jeediyo Mucaaridku, xataa hadii lagu soo casuumo.
Arrintan ayaad moodaa in hada toos loola qabatimay oo ay gabi ahaanba iskaga daydaan Ururrada ama sharaa’iga soo abaabula kulamada ka caagan Mucaaridka ee Xukuumadda lagu maamusaa.
Si cad looma beyaamin karo ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa cunno-qabateynta noocan ah ee saaray dadka saameynta hogaamineed waddanka ku leh, hase ahaatee waxa loo sibir-saarayaa sababteeda dhinacyo kala duwan.
Qayb ka mid ah Ku-xeel-dheerayaasha Siyaasadda ayaa ku tilmaamaya qorshe lagula tacaalayo Barmaamujyada Kooxaha Mucaaridka ah noocay doonaanba ha noqdeene, waxaanay baadhis kale si qoto dheer arrintan loogu sameeyay muujinaysaa inay gabi ahaanba meesha ka baxday loollankii Hogaamiyeyaasha Siyaasadda ku dhex mari jiray fagaareyaasha aan Ololaha Doorashooyinka ahayn , kaasoo marka dhinaca kale laga istaago hal-beeg u ahayd fur-furnaanta siyaasaddeed iyo isu callool fayoobaantii rayul-caamku ka sawiran jiray nidaamka Dalka.
Ha haato sax ama khalad’e, waxa si aan mugdi ku jirin afka dabool looga saaray dadka Dawladda ka dhaliila goobaha Indheer garadka iyo Aqoonyahanku ku kulmaan, taasoo saameyn ku yeelatay fur-furnaantii siyaasiga ahayd iyo Kaftankii goleyaasha furan ku dhex mari jiray Mucaafidka iyo Mucaaridka.
Tanina waxay hadhaysay fahanka Barmaamujyada Xisbiyada iyo is-barashada hogaamiyeyaasha Mustaqbalka iyo Bulshada qaybta u darban kala doorashada dadka saaxada ku tartamaya.
Daraasaddo kale oo Bulshada dhexdeeda laga sameeyay intii xeelladani ay socotay ayaa waxay daah-furayaan in arrintan markii hore looga gol-lahaa yaraynta xad-gudubyada Siyaasiyiintu ka sameeyaan shirarka ka baxsan mowduucyada siyaasiga ah, hase ahaatee waxa muuqata inay taasi dhiiri-gelisay cabudhinta ama yasida hogaamiyeyaasha Mustaqbalka, isl markaana fursad ay siisay Madaxda xukuumadda iyo Taageerayaasheeda.
Waxa kale oo la aaminsanayhay inay dhici karto inay Xukuumaddu door weyn ku leedahay arrintan oo ay aqbalaada marti-qaadyada uga yimaada Munaasibadaha gaarka loo qabsanayo shardi ka dhigto inaan mucaaridka lagu soo casuumin, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo kala duwan oo ay heleen wariyeyaashii arrintan u dhabo galay.
Waxa kale oo jirta Arraa’ kale oo odhanaysa dadka ayaan intiisa badani jeclayn dhaliilaha qaawan ee Mucaaridka, sidaasi darteed go’aansada inay iska dhaafaan marti-gelintooda ama hadal siinta xubnaha hadiiba ay dhacdo laga soo casuumo.
Ma jirto cid si sax ah uga jawaabaysa sababta Hogaamiyeyaasha Mucaaridka looga takooray Xafladaha Qalin-jabinta Ardayda Jaamacaddaha, oo tii ugu dambeysay Salaasadii Todobaadkii la soo dhaafy ay xubnihii xisbiyada Mucaaridka ah uga qayb-galay ka soo dareereen kaddib markii ay ka war heleen inaanay cidi ugu jirin dadka khudbadaha ka jeedinaya, taasoo ahayd Madashii kashiftay dareenka ay xisbiyaddu ka qabaan cabudhinta lagu sameeyey, balse ilaa hada wax kaliya ee aan daahi-karin waxa ay tahay inay meesha ka baxayso xuquuqdii Siyaasaddeed ee hormuudka Siyaasaddu bulshada ku dhex lahaa.
Taasoo marka la eego muuqaalkeedu sawirayo inay xataa dadka rayidka ah ee talaabadan ka qaybta ka ahi ay raali ay ka yihiin in dib loo muraajaceeyo hab-dhaqankii laga bartay Cahdigii Keli-taliye Siyaad Barre ku xukumi waddanka Soomaaliya, oo ka mid ahaa noocyada kor ku xusan ee hab-maamullada Kali-taliyeyaasha Caalamka.