Monday, December 15, 2014

BBC-du waa caddowga koowaad ee Somaliland!!

By: Jamaal Abu-giza



Sida aynu wada ogsoonahay idaacada BBC da waxaa loo aas aasay inay soomaalida u dhexeyso isla markaana ugu adeegto si siman oo cadaalad ah dhinacna aanay u xaglin iskana ilaaliso sifo kasta oo u muuqda ama shabaha qabiil iyo xataa dawlad jeclaysi hadaba iyadoo maanta soomaalidu ay leedahay dhawr dawlood oo kala ah soomaaliland, soomaalia, jabuuti, dawlad deegaanka soomaalida itoobiya iyo NFD da Kenya ayaa waxaad arkaysaa iyadoo idaacadani si toos ula kala safatay dawladahan qaar meel madhan ah oo ay kow ka tahay soomaalia way buun buunisaayoo waxay ka dhigtaa wax aan la arag waana meel madhan oo waxay maraysaa meel ebar ka hoosaysa sidaa ka soo horjeedkedana waxaad arkaysaa iyagoo si cad uga soo horjeeda qadiyada iyo jiritaanka soomaaliland.



Waxaad arkaysaa iyagoon maalin kaliya ka waramahayn hore u socodka iyo guulaha ay gaadhay soomaaliland iska daa inay ka hadlaane waabay ka xunyihiin oo way ka dhimanahayaan mana ogola jiritaanka soomaaliland taasi waxaa daliil muuqda oo lataaban karo u ah in ay maalinta la yidhaaho soomaaliland wax yar baa ka dhacay ama ribaa ri herdiday dhamaan barnaamijka maalintaa way ku soo qaataanoo waxay ka dhigaan meel lagu rogmaday sidaa cagsigeeda soomaaliland haday mashaariic hore u marineed sameeyaan in kasta ha leegaadee ma soo hadal qaadaan kamana hadlaan.



Waxaynu odhan karnaa oo ay tahayba waa idaacad qabiil waayo dhamaan wariyayaashii idaacada laf dhabarta u ahaa ee reer soomaaliland waa laga salabeeyey waxaa iskugu soo hadhay waa reer koonfureed aan waxba kala socon aas aaskii BBC iyo cida iska lahaan jirtay mana kala yaqaanaan dawladaha soomaalida ee waxay u haystaan in soomaaliba tahay inta xamar laga xukumo.



Sidaa awgeed madaama idaacadii BBCdu isku rogtay meel lagala dagaalamo soomaaliland oo cadaystay cadaawada dalkeena waxaan wasiirka warfaafinta soomaaliland u soo jeedinayaa inuu talaabo ka qaado oo uu ka joojiyo inay wadanka ka hawl gali karaan waayo waa cadaw aynu leenahay waxanay u tafa xayteen inay umada soomaaliland isku diraan oo ay ka sheqeeyaan kaliya dibindaabyadayadeena.



Guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay idaacada laga xukumo vila soomaalia ee BBCdu waa cadawga soomaaliland waxaana loo bahan yahay in aan dagaal lagalno iskana dhicino.BBC WAA CADAWGA KOOWAAD EE SOOMAALILAND.



W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)



EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com