Monday, December 15, 2014

Taliye Aag oo lagu Dilay Dagaal culus oo ka dhacay TIXSIILE

Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 10 Askari oo katirsan Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya, ayaa ku dhintay Weerar gaadmo oo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen Saldhig  Milateri oo ku yaalla meel u dhaxaysa Degmada Af-gooye iyo Wanlaweyn, goob-joogeyaal ayaa sidaas ku waramay.



Askarta ku dhimatay weerarka waxa ku jira Taliye Ciidan oo aan wali la xaqiijin derejadiisa, lase rumasanyahay inuu ahaa Taliyihii Saldhiga.



Weerarka ayaa ka dhacay Deegaano lagu magacaabo Tixsiile iyo Warmaxan, halkaasoo uu ka dhacay dagaal xoogan oo socday ku dhawaad saacad, kaasoo u dhexeeyay Dableyda Alshabaab iyo Ciidanka Saldhiga lagu soo weeraray.



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Dawladda ee Aaga weerarku ka dhacay hase ahaatee Afhayeen u hadlay Wasaaradda amniga ayaa  caddeeyay in toban askari kaga dhinteen weerarkan.



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab, oo ay uga hadleen dagaalka.



Geesta kale, Warbaahinta Alshabaab ayaa ku waramaya inay Xooggag ka tirsan Alshabaab la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Degmada Guri-ceel.



Xarrakadda Al-shabaab ayaad moodaa inay weerarro fal celis ah ka sameeyeen qabsadashadii dawladda ee Degmada Dhuuso-mareeb iyo goobaha kale ee laga qabsaday bilihii u dambeeyay.



Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com