Monday, December 15, 2014

Somaliland: Jiibta Jeleska tabashooyinka beelaha Darafyada oo is-qabsaday

<strong>&ldquo;..Reer Awdalloow Nimankan Gobolada dhexe Deggaa [Isaaq] Kol Koonfur bay Inala Tagayeen Kolna Meel Kalee Inagu Waan Iska Diidnay&rdquo;</strong>





 


Xildhibaan Aareeye



aareeyeHargeysa(GNA)-Xildhibaanno, Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay xukuumadda iyo xubno Wax-garad, oo ka soo jeedda Beesha Ciise ee Gobolka Selel, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay xukuumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda Kalsoonida kala noqdeen, kaddib markii sida ay sheegeen looga jawaabi waayay  tabashooyin siyaasaddeed iyo waxyeeladii loogu geystay rabshadihii Magaalada Saylac ka dhacay markii uu Khilaafku ka taagnaa Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee sanadkii 2012-ka dalka ka qabsoontay.



Siyaasiyiintan iyo waxgaradka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale xukuumadda ku eeddeeyay Axdi la’aan, maamul-xumo iyo handidaad joogto ah oo ay shacbiga ku hayso, farta ku fiiqeen in Dil-dilaacii Xisbiga kulmiye uu ku socdo inuu sahaydo nabad-gelyada, midnimada iyo qarannimada Somaliland.



Xubnahan ayaa sidoo kale Baaq u diray Bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel oo ay u soo jeediyeen inaanay nabad-gelyada iyo badhaadhaha dalka u sadqeynin tabashooyinka ay ka tirsanaayan nidaamka uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.



Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Selel oo hormuud u ahaa Kooxda Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka isugu jira, ayaa Shirka jaraa’id ka hadlaya, shaaca ka qaaday inaanay xukuumadda Kulmiye  lahayn Axdi oofin, Abaal celin iyo Balan toona. “Xukumadda Kulmiye Abaal ma leh,Ajarna ma leh, Ballanna ma leh. Waxa Bari iyo galbeedba ka dhacayaa maanta waa Dildilaacii Xisbiga Kulmiye, waxa uu marayaa halkii u dambeysay” ayuu yidhi XIldhibaan Aareeye



Xildhibaan Aareeye waxa uu dardaaran xooggan u jeediyay Bulshada Reer Awdal iyo Salal oo uu ugu baaqay inaanay Cabashada Xukumadda Kulmiye u horseedin inay Somaliland waxyeelaan “Waxaan leeyahay Dadka Awdal iyo Salal degow, tabasho waa la taban karaa, waa la xisaabtami karaa, Xukumad kasta oo jirtana waa lala xisaabtami karaa oo tii Ina Riyaale ee idinka soo jeedayba waad la xisaabtamayseen. Cabashadu maaha inay keento Rasaas, RRU iyo Ciidan Qol u jeed la geeyo, Xukumaddu waa inay Cabashada dhego yeelataa.”ayuu yidhi.



Waxaanu intaasi raaciyay “Meeshan Somaliland baa lagu heshiiyay, annagu markaas ma rabno Awdal iyo Salaleey, Cabashadiinu inay noqoto mid Somaliland ka horjeeda.Somaliland waa Nuxurka, waa Dhabarka iyo Xanjaadka Labadeenaa Gobol.Nimankan Gobolada dhexe degaa Kola Koonfur bay inala tagayeen kolba meel bay inala tagayeen waan iska diidnay, inagu waxaynu ku adkaysanaynaa Somaliland, iyagu dhankay doonaan ha u socdaan.Imika waxaan Maqlayay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ayaa dhawaan ku shiri doona Jabuuti.



Markaas Awdal iyo Salalow waxaan idinku dardaarayaa waar dhexdiinana heshiiya oo dad wada jira noqda oo afka ku kala goosta, Dawladdana waa khasab tabashada iyo La xisaabtan laakiin kuma jirto Meesha anagu Gobol gaara ayaanu nahay oo Somaliland ma nihin meesha kuma jirto. Inagaa Somaliland leh oo waliba Reer Boorama ayaa leh, oo Boorama aasaasay halkaas baa lagu dhisay ee ha isku khaldina cabashada iyo Somaliland” ayuu yidhi Cali Aareeye.



Geesta kale, Siyaasiyiinta iyo waxgarad ka soo jeedda Gobolka Selel  oo ay ka mid ahaayeen xubno ka mid ah Guddidii Beesha Ciise ee ay Madaxtooyadu Hargeysa ku marti-qaaday bishii Shanaad ee Sanadka, ayaa sheegay inaanay ilaa hada gar iyo Garowshiyo toona Xukuumadda uga helin waxyaabihii ay uga cowdeen ee madaxweynuhu balan-qaaday inuu wax ka qaban doono.



Xubin ka mid ah Guddida Beesha Ciise ee todobada Bilood Hargeysa u joogay marti-qaadkii tur-xaan bixinta loogu yeedhay oo Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa  shaaca ka qaaday inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dhabarka u jeedisay Bulshada reer Selel, sidaas awgeed ay iyaguna go’aan cad ka gaadheen la sii shaqaynta iyo taageeradii gobolka looga hayay Xisbiga kulmiye.



“Hargeysa waxaan nimi bishii Shanaad ee sanadka, waxaanu Hargeysa joognaa todoba bilood. Waxaanu xukuumadda u gudbinay waxay ogtahay oo uu Madaxweynuhu balanqaaday markuu Saylac yimi inuu wax ka qabanayo. Waxaanu ahayn 13 xubnood oo guddi ah oo uu Madaxweynuhu yidhi Hargeysa iigu yimaada, wax Jawaab ah kama hayno ilaa hada.”ayuu yidhi Odayga u hadlay Guddida Beesha Ciise.



Waxaanu intaasi ku daray “sidaa darteed  waxaan u aragnay inay xukuumadda Siilaanyo ka maarantay Beesha Ciise , aniguna waxaanu go’aansanay inaanu ku biri doono Xisbiga Waddani”.



Beyaanka ka soo baxay Duqayda iyo Siyaasiyiinta Gobolka Selel, ayaa ku soo beegmay iyadoo ay qul-qulatooyinka ka dhashay tabashooyin siyaasaddeed oo kuwan beesha Ciise la mid ah ka aloosan-yihiin Gobolka Awdal ee ay Ood-wadaagtu ka dhaxayso reer Selel.



Ma jirto ilaa hada wax jawaab ah oo ay xukuumaddu ka bixisay dhawaaqyada siyaasaddeed ee ay isugu jiibiyeen bulshooyinka ku dhaqan labadan Gobol, waxaana muuqata in aqalka Madaxtooyadu si toos ah isaga dhego marinayo tur-xaan bixinta Beelaha Darafyada galbeedka Somaliland oo tan iyo markii Madaxweyne talada la wareegay saluugsanaa saamiyadda Siyaasaddeed ee la siiyay, xilliyada qaarna ka gaddooday dhibaatooyin deegaan iyo kuwo dhaqan-dhaqaale oo shaadhka dawladda loogu geystay.



Waxaana arrimaha Mujtamaca labada Gobol ay Xukuumadda ka tirsanayaan ka mid ah: Kharaasarihii ka gaadhay Shaqaaqadii ka dhalatay natiijadii Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Bishii December ee sanadkii 2012-kii dalka ka qabsoontay oo Xisbiga kulmiye kaga shubtay Ururradii aadka looga taageersanaa Gobolka Selel iyo isku-dhufashadii Beelaha wada degan Degmooyinka Xariirad iyo Lug-haya.



S. Kalshaale



Gobanimonews



Hargeysa Office