Tuesday, December 16, 2014

126 Carruur u badan ayaa lagu dilay Weerrar lagu qaaday Iskuul Pakistan

pakistan in kabadan 126 qof ayaa lagu dilay kuwa kalana waa la afduubtay kaddib markii ay Kooxda Taalibaan weerar ku qaadeen Iskuul ay ciidammada Pakistan maamulaan oo ku yaala magaalada Peshawar. 80 kamid ah dadka dhintay ayaa caruur ah sida ay sheegeen saraakiil dawladda ka tirsan oo warbaahinta la hadlay.



shan ilaa lix malayshiyo oo qaba dirayska laamaha ammaanka ayaa galay iskuulka, saraakiisha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas iyo qarax laga maqlay aagaasi.



Ciidanka dawladda ayaa xiray goobtaasi balse lama hubo in ay gudaha u galeen iskuulka.



Afhayeen u hadlay Taliban ayaa idaaacada  BBC-da u sheegay in weerarkaasi uu jawaab u yahay hawlgal uu millitarigu ka wado aagaasi oo Talaalibaanka lagu bar-tilmaameedsanayo.pakst



Waxaa la aaminsanyahay in boqoaal dagaalyanada Talibaanka ah ay ku dhinteen hawlgaladii u dambeeyay  ee millitarigu ay ka wadeen Waqooyiga Waziiristaan iyo  agagaarka Khyber.



Ilaa shan boqol oo arday ayaa la rumaysanyahay in ay wax ka baranayeen iskuulkaasi ciidammadu ay maamulaan, macada inta qof ee la qafaashay, laakiinse waxa la xaqiijiyay in dad badan laga kaxaystay goobta.



Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gurmadka dagdaga ah ayaa goobtaasi lagu arkay, waxaana loo diray inay gurmad ka geystaan daad guraynta dhaawacyada.



In kabadanb 20 arday iyo macalimiin ayaa loo qaaday Isbitaal ka agdhaw iskuulka oo Peshawar ku yaala. qul-qulatooyinka sii baahaya ee dalka Pakistan, ayaa muddo dheer socday.