Daawadan oo lagu wareejiyay Maamulka Cisbitaalka Banaadir, ayaa waxa loogu talo galay in lagu daaweeyo bukaannada ku jira cisbitaalka gaar ahaana dadkii dhawaan ku sumoobay biyo ay ka cabeen ceel ku yaal Dagmada yaaqshiid iyo sidoo kale kuwa uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Hormuud Foundation Cumar Salaad Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha cisbitaalka Benaadir ayaa sheegay in deeqda dawada ah u ugu talagaleen in lagu tacaalo bukaannada ku jira cisbitaalka, isagoo intaa ku daray in ay ugu talagaleen dadkii ka cabi jiray ceelka sumeysan ilaa sadax booyadood oo biyo nadiif ah gaarsiiya dhamaan guryaha ku yaal dagmada oo ay biyaha u qeybiyaan si lacag la.aan ahIsaga oo sheegay in ay sii wadayaan wax u qabashada dadka liita.
Madaxa caafimaadka cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Dr Cabdirisaaq Xasan Cali ayaa tilmaayay in dawadani ay ku soo beegantay xili ay u baahanyeen, ayna uga mahadceliyaan mas’uuliyiinta Hormuud Foundation.
Dr Cabdirisaaq ayaa xusay in qaar ka mid ah bukaanadii uu dhawaan soo ritay cudurka shuban biyoodka ay iminka soo hagaageyso xaaladooda caafimaad, ayna jiraan kuwa kale oo lagu dabiibayo cisbitaalka.