Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi ku noqday Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee marka uu madaxweynaha Somaliland dhamaysto hankiisa siyaasadeed ee xisbigaasi
Hargeysa (GNA) - Guddida Horumarinta Beelaha Sacad Muuse ayaa maanta cod ku kala reebay Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Jagada Madaxweynenimo.
Murashaxiintan oo kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo uu qorshahoodu ahaa in ay u tartamaan Jagadaasi marka uu madaxweynaha Somaliland Dabadii.
Fadhi ay maanta ku yeesheen Gudida Horumarinta Beelaha Sacad MuuseMagaaladda Hargeysa ayaa waxa ay cod u qaadeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi oo dhinac ah iyo labada Wasiir ee Maaliyadda iyo arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo isku dhinac ah.
Fadhiga Gudida Horumarinta oo ay tiradooda guud ahayd 25 xubnood ayaa waxa ka soo xaadiray Fadhigaasi 24, waxaanay cod u qaadeen murashaxiinta beelaha Sacad Muuse ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.
14 ka mid ah Gudida Horumarinta ayaa u codeeyay in uu Muuse Biixi Cabdi Oo Hadda Ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu murashax u noqdo Madaxweynaha Somaliland dabadii, halka ay wasiiradda Maaliyada iyo Arrimaha Dibada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo maxamed Biixi Yoonis ay ka heleen 7 cod, 2 xubnood ayaa aamusay guddoomiyuhuna ma codaynin.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi ku noqday Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee marka uu madaxweynaha Somaliland dhamaysto hankiisa siyaasadeed ee xisbigaasi iyo Waliba Hogaamiyaha Siyaasadeed ee ay beeshu isku raacday, waxaana loogu qoos gooyay fadhigan labada Wasiir ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Saddexda xubnood ee loo qori tuuray ayaa ka maqnaa goobta loogu kala codeeyay, oo aanu midkoodna joogin.
Wasiiradda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ayaa u biyaystay dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay sidii ay hankooda siyaasadeed ugula baratami lahaayeen Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, hasayeeshee waxa uu dedaalkoodu noqday hal bacaad lagu lisay.
Gobanimonews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@Gobanimonews.com