Sunday, September 8, 2013

Zidane: Waan Ku Faraxsanahay In Casillas Uu Weli Goolhayaha 1aad Ka Yahay Spain.


Zinedine Zidane ayaa ku farxay in goolhaye Iker Casillas uu yahay goolhayaha 1aad ee Spain inkastoo uu Real Madrid keyd ugu jiro Diego Lopez.




Casillas oo saftay kulankiisii 150aad kulankii ay jimcaha la ciyaareen Finland, ayaan boos ka heysan Bernabeu tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, markaasoo uu keyd geliyay tababarihii hore Jose Mourinho oo soo iibsaday xilligaas Diego Lopez markii Casillas uu dhaawac gacanta ah soo gaaray.




Tababaraha cusub Carlo Ancelotti ayaa isna sii watay qaacidii uu dejiyay Mourinho isagoo ku soo bilaabay dhamaan kulamadii horyaalka ee xilli ciyaareedkan goolhaye Lopez, laakiin Zidane ayaa ku faraxsan inaysan taasi saameyn ku yeelan doorkiisa xulka Spain.




 




 




“Waan ku faraxsanahay inuu Iker weli booskiisa Spain heysto. Waa goolhaye weyn” ayuu yiri tababare ku xigeenka Madrid isagoo saxaafada la hadlayay.




Si kastaba, ciyaaryahankii hore ee Madrid ayaa diiday inuu ka hadlo hadii Casillas uu dib u heli doono booskiisa kooxda Carlo Ancelotti.




Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waan arki doonaa waxa ka dhaca Madrid.”