Sunday, September 8, 2013

Roberto Carlos: Jordi Alba Waa Daafaca Bidix Ee Ugu Fiican.


Roberto Carlos ayaa ka jawaabay soo jeedintii Joan Capdevila ee aheyd in Jordi Alba uu dhaafi doono Carlos.




Daafacii hore ee Espanyol ayaa sheegtay in daafaca bidix ee Barcelona inuu ku socdo inuu ka fiicnaado daafacii hore ee Real Madrid Roberto Carlos.




Daafaca reer Brazil ayaa afar horyaalka La Liga ah iyo seddex Champions League la qaaday Real Madrid mudadii uu joogay, waxaana uu qiraty in 24 jirka Alba inuu ugu fiican yahay booskiisas.




 




 




“Sida Marcelo, Alba waa daafaca bidix ee ugu fiican.” ayuu Carlos u sheegay Marca.




“Xawaarihiisa dheereeya ayaa muhim ka ah difaacashadiisa iyo weerarkiisa.




“Sidoo kalena waxa uu dhaliyaa goolal”