Xiddigaha xulka England ayaa ku soo wareegay maagalada Kiev ee caasimada Ukriane ka hor kulankooda isreebreebka Koobka Adduunka ee habeen danbe, halka Wayne Rooney uu fasax ku qaadanayo xeebta Algarve ee dalka Portugal isagoo ka soo kabsanaya dhaawac madaxa ah.
Nabar culus oo ka soo gaaray wajiga ayaa Rooney oo 27 jir ah u diiday inuu ciyaaro kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee xulka England ay la ciyaarayeen Moldova iyo Ukriane oo ay habeen danbe la ciyaarayaan.
Rooney ayaana dhaawaciisa madaxa ka soo kabsanaya isagoo xaaskiisa Coleen iyo mid ka mid ah caruurtiisa u kaxeeyay xeebta Quinta do Lago.
Rooney ayaa xirnaa koofi si uu uga ilaaliyo dhaawaciisa madaxa qoraxda, iyadoo qoyskiisa ay ku sugan yihiin hotel-ka raaxada ee Conrad Hotel.
Weeraryahanka Ingariiska ayaa 10 qodob laga tolay madaxiisa markii ay isku dhaceen saaxiibkiisa kooxda Phil Jones 7dii September, riskina lama geli doono ilaa iyo inta nabarkiisa madaxa uu ka reysanayo.
Dhaawaciisa ayaa arbacadii hore la shaaciyay markii la sawiray isagoo qoyskiisa la jooga.