Monday, September 9, 2013

Peter Peters: Boateng Waxa Uu Uga Tagay Serie A Cunsuriyad Darteed.


Kevin-Prince Boateng ayaa go’aansaday inuu ka tago Milan oo uu ku biiro Schalke 04 xagaagan ka dib markii uu ku daalay cunsuriyada Italy.




Sdiaasi waxaa yiri Peter Peters oo ahaa agaasime dhanka dhaqaalaha ah ka ah kooxda Jarmalka, isagoo u hadlayay Bild Sport Plus.




“Boateng waxa uu doonayay inuu baxo sababtoo ah cunsuriyad badan oo uu Italy kala kulmay” ayuu yiri Peters.




“Madaxweynaha Milan waxa uu u balanqaaday inuu fasixi doono hadii Milan ay u soo baxdo wareego group-yada Champions League.”




 




 




Xiddiga reer Ghana ayaana ka caawiyay Diavolo inay u soo baxdo wareega group-yada Champions League isagoo labo gool dhaliyay kulankii lugta labaad ee Play-off ee PSV ay la ciyaareen bishii hore.




26 jirkaan ayaa dhowr dhacdo oo cunsuriyad ah la kulmay tan iyo markii uu Milan ku biiray 2010kii, waxaana ka mid aheyd ciyaar saaxiibtinimo oo uu garoonka isaga baxay markii uu faquuq la kulmay.




Waxa uu Schalke ugu biiray heshiis 11 milyan euro ah, isagoo Milan u dhaliyay 17 gool 100 kulan uu u saftay Rossoneri.