Hargeysa(GNA)-Shirjaraa’id oo saaka ay masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku qabteen xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa waxay Xukuumadda ku dhaliileen inaanay shacbiga u soo bandhigin sababta ay shirkadii genel energy uga baxday dalka oo mudooyinkii danbe sahamin shidaal ka waday gobalada bariga Somaliland.
Gudoomiyaha gudida arrimaha dibada Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Argagaxbey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii genel energy ee gobalada bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan u diyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey ,xukuumaduna ilaa hada arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo,waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay”
waxa sidoo kale uu ka tacsiyadeeyey dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaadku ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka hawlgalayeyba isagoo xukuumadda usoo jeediyey inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah waxanu yidhi “waxaanu ka xunahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaad iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah”.
Waxaa sida oo kale ay masuuliyiintani ku ee deeyeen wasaaradda duulista iyo hawadu in ay ku fashilantey adeegii ay dadka socdaalka ah u haysay oo garoonkii cusbaana wax duulimaadyo ahi ka soconin
Eng:Cabdirashiid maxamuud cali oo ka tirsan gudida arrimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “In diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ahi fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaarada duulista iyo hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, isla markaana wasaaradda duulistu u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaada ku timid dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa”,
Sidoo kale wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay is casisho mar haday ku fashilantay hawlihii loo igmaday waxaanu yidhi “mar haday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa”.
Xisbiga WADDANI ayaa muddooyinkan dambe dar dar iyo mucaaridada hor leh ku haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanad moodaa inay si toos ah isha ugu hayaan gol-daloolooyinka xukuumadda, oo mar walba bulshada u soo bandhigayaan, taasoo ah kaalin muddo ka hor si weyn loo tabayay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com