Tuesday, September 10, 2013

London: Wasiirro ka socda Somaliland oo Ingiriiska kaga daba tegay Shirkadda GENEL oo Sabab Amni darro u Hakisay Sahaminta Shidaalka


London(GNA)-Wasiirro ka socda dawlada Somaliland ayaa Maanta gaadhay Magaalada London ee xarunta Dalka Ingiriiska, waxaanay saaka ka dageen Garoonka diyaaradaha ee  Heathrow International  Airport.




 Wasiirka  Arimaha Dibeda Somaliland Mr Mohamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka dhulka  Eng Xuseen Cabdi Ducaale, waxa madaarka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin dawlada ka tirsan oo uu ka mid yahay Safiirka Somaliland UK.




Si rasmiya umay shaaacin ujeedada safarkooda, hase ahaatee sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay Gobanimonews u sheegeen waxa la filayaa inay kulamo la yeeshaan shirkadda Sahaminta Shidaalka ee Genel Energy oo todobaadkii hore hakisay hawlihii ay ka waday Goboladda Somaliland.




Shirkadda GENEL ENERGY , ayaa sheegtay inay hawsha u hakisay sababo la xidhiidha dhinaca amaanka oo ay  tilmaantay inaan laysku halayn Karin.




“Markii xaaladda ammaanku sii xumaatay oo ay ka soo rayn weyday ayaannu si ku-meel-gaadh ah u hakinnay hawlihii la xidhiidhay dhinaca shidaalka ee aannu ka wadnay Somaliland,” ayuu si kooban u yidhi  afhayeenka u hadlay shirkadda Genel Energy maalmihii la soo dhaafay.




Dawlada Somaliland ayaan ilaa hada jawaab lagu qanco ka soo saarin jiritaanka xaalado amni daro oo khasbay  go’aankan shirkaddu gaadhay, waxaanu wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay horaantii todobaadkani sheegay inaanay dawlad ahaan waxba kala socon sababaha Genel Dalka uga baxday.




Wasiirrada Maanta gaadhay London , ayaa muddo ku sugnaa Magaalada Dubai oo xarun hoose ay ku leedahay Shirkaddu, balse halkaasi waxay u joogeen arimo ka baxsan hawlaha shirkadda.




Sida laga soo warinayo Magaalada London ma haystaan qaabilaad diblomaasiyadeed oo fiican, waaana wararku sheegayaan inaanay dawlada Ingiriisku waji siyaasadeed oo wanaagsan tusayn, balse danaha socdaalkoodu ku qotomo inay wada hadal toos ah la galaan Madaxda shirkadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com