Monday, September 16, 2013

Somalia: Wararkii ugu dambeeyay shirka New Deal ee Brussels iyo boqolaal milyan oo Somalia loogu deeqay


Shirka New Deal ee Heshiiska cusub ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyadoo shirkan dowladda Soomaaliya ilaa iyo hada loogu deeqay Sideed Boqol oo Milyan Dollar oo loogu tala galay dib u dhiska Soomaaliya.



Shirkan oo ay ka qeyb galayaan diblomaasiyeen, hey'ado caalami iyo deeq bixiyeyaal ayaa waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu saxiixo heshiiska New Deal oo ah heshiiska cusub ee lagu taageerayo dib u dhiska iSoomaaliya.



Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxeyso xaalad adag, isagoo xusay inay rajo weyn ka qabaan in Caalamka ay gacan ku siineyso dib u kabashada iyo dib u dhiska Soomaaliya.



"Heshiiska New Deal waa mid lagu caawinayo Soomaaliya oo ah in dib u dhisanto, beesha caalamka waxay Soomaaliya ka caawiyeen dib u soo celinta ammaanka iyo tababarka kumanaan askari"ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.



Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumaro ballaadhan ka sameysay dhinacyada dib u heshisiinta, arrimaha siyaasada, cadaalada iyo dib u habeynta dhaqaalaha iyo garsoorka, waxaana uu ku nuuxsaday in rajo ka qabaan in saddexda sano ee soo socda ay gaadhsiiyaan guul.



"Waxaan ku talaabsanay horumar la taaban karo waxaana hiigsanaynaa Soomaaliya nabdoon oo horumar ku wajahan. Waa ay jiraan dhinacyo aan wali ka liidano, waxaanse caalamka u xaqiijinaynaa inaan ku dadaalayno hirgalinta dawlad wanaaga iyo sidaan wadanka ku xasilin lahay," ayuu yidhi madaxweynaha DFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbo dhinacyo badan taabanaysa ku gabo-gabeeyay in guusha ugu weyn ee u qorshaysan in New Deal laga gaadho ay noqoto dhismaha Soomaaliyada cusub.



Madaxweynaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy iyo madaxweynha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaankii shirka ka soo jeediyay khudbado kooban oo ku wajahan qorshaha New Dealka iyo sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dib-u soo kabashada dalka iyo ku talaabsiga horumar taabo gal ah.



Mudane Herman ayaa khudbadisii furitaanka ku cadeeyay in Midowga Yurub had iyo jeer garab taagan yahiin dalka Soomaaliya, waxaana uu shirka maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo markhaati u ah sida caalamku u garab taagan yahay Soomaaliya, waxaana uu khudbadiisa si qoto dheer ugaga hadlay qorshahan cusub ee New Deal iyo sida caalamku ugu taagan yahay in Soomaaliya uu gacan uga siiyo dib-u dhiska iyo horumarka ay hiigsanayso.



"Waa maalin taariikhi ah, markhaatina u ah sida Midowga Yurub iyo caalamka intiisa kalaba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxaa cad inaan dhamaanteen aqbalsan nahay masuuliyada guud ee inaga saaran ka qeyb qaadashada xal u helida caqabadaha haysta Soomaaliya," ayuu yidhi Herman Van Rompuy, Madaxeynaha Midowga Yurub, oo si weyn uga mahadceliyay horumarka DFS ay ku talaabsatay mudadii yareyd ee ay jirtay
Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa goor dhow balan qaaday in Sideed boqol oo milyan Dollar ugu deeqayo Soomaaliya qorshaha dib loogu dhisayo Soomaaliya, iyadoo shirka uu wali socdo, lana filayo in in ka badan hal Bilyan oo doolar Soomaaliya loogu yabooho.



Shirweynaha New Deal ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wafuud ka kala socota in ka badan 70 wadan iyo hayado caalami ah oo isugu yimid sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hirgalinta qorshahan Hiigsiga Cusub. Khudbooyinka wufuuda sare ee shirkan ka soo qeybgalay ayaa dhamaan muujiyay taageerda ay u hayaan hirgalinta qorshahan New Deal iyo dib-u dhiska dalka Soomaaliya.



 



Gobanimo News Agency



muqdisho office