Burco(GNA)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Ayaa maanta Dhagax dhigay sadex Gobood oo kala ah Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Xaafada Aadan saleebaan ee magaalada Burco,ilaa Sadex kiiloo Mitir oo lagu kordhin doono Garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco iyo waliba wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.
sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu Xadhiga ka jaray Miiska saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Qaybta laba iyo Tobnaad,isagoo dhinaca kale Xaflad qalin jabinta kala qaybgalay 150 Arday oo Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacada Golis ee Magaalada Burco kuwaas oo dhamaystay Kuliyado kala Duwan.
Madaxwynaha iyo waftigiisa oo Noqonaya Waftigii ugu Cuslaa ee Booqasho ku yimaada Magaalda Burco,waxa ka mid ahaa Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali,wasiirka Gaashaan Dhiga Cadami Wasiirka Beeraha Geedoole,wasiirka warfaafinta,wasiiru dawlaha Maaliayada,wasiirka waxbarashada ,Afhayeenka madaxtooyada iyo waliba Xubno kale oo Xukuumada ka mid ah, waxaana la Filayo inay joogi doonaan Magaalada Burco ilaa Malinta Bari iyadoo la Filayo inay wax garadka iyo dadwaynaha reer Burco shirar googoos ah la yeelan doonaan,kuwaas oo ay ka mid yihiin in lagu qanciyo inay hadiiba aya soo noqoto shirkadii shidaal baadhista ee Genel Energy inay dadwaynaa reer Togdheer la shaqayeeyaan.
Madaxwaynaha oo ka hadlaya dhagax-dhiga wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo ka Bilaabmaysa Tuulada ina Afmadoobe ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa''Farxad aad iyo aad u waynbay ii tahay inaan dhagax-dhigo wadadan isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo ah wado isku xidhaysa dalka isku xidhaysa,oo Nimcooyinka uu sanaag leeyahay ay dalka soo wada gaadho oo laysu socon karo,waxaanan rajaynayaa inaynu hawshaas sidaynu ku wada tashanay oo Gudo iyo debad aynu uga wada qayb qaadano oo aanu anana gacanta ugu wayn ka gaysano waxna aynaan kala hadhin”ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaarada Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna halkaas ka hadlaya waxa uu sheegay inay wadadan ay cid kasta oo loo soo bandhigaa ay dib uga gaabsatay laakiin loo baahanyahay in dadwaynaha reer somaliland ay iyagu iska tashadaan sdii loo horumarin lahaa.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada,wasiiru Dawlaha maaliayada iyo ka waxbarashada ayaa iyana dadwayanaha reer somaaliland ugu baaqay inay wadadan ka qayb qaataan.
sidoo kale Madaxwaynuhu mar uu ka hadlayay jaamacada Golis waxa uu ardaydii halkaas ka qalin jabiyay ugu baaqay inay Noqdaan kuwo dalkooda anfaca oo dib ugu celiaya wixii ay barteen. Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadaha Golis Prof-Siciid oo isna halkaas ka adlay ayaa isna sheegay inay dedaalka sii kordhin doonaan.
dhanka kale Mustafe Sheekh Maxamud oo ka mid ah Ardayda Jaamacada Golis ka qalin jabisay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu damaysto jaamacada Golis oo uu mudo badan u soo samrayay ,waxaanu ugu danbaynatii madaxwaynuhu shahaadooyin Gudoonsiiyaya qaar ka mid ah ardayda iyo Xubno kale oo lagu sharfay.
Axmed Muuse Maxamed (sakaaro)
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com