Wednesday, September 11, 2013

SL: Wiilka Ugu Da’da yar Ardayda Sanadkan ka Qalin-Jabisey Jaamacadaha Golis University Maanta ka aflaxay, waa kuma?Akhri Waraysi GNA la yeelatay


Hargeysa (GNA)-Ardeydii Dufcadii  todobaad ayaa manta ka qalin-jabisey jaamacada Golis magaalada Hargeysa, munaasibadii dhalinjabinta oo manta hotel Maansoor ka qabsoontay waxaa kala qayb-galay munaasibada qalin-jabinta islamakaan shahaadoonyinka gudoonsiiyay shantii ardey ee ugu sareysa madaxaweynaha Somalialand.
Ardeydaasi  qalin-jabinsay waxaa ka mid ahaa Daa’uud Haaruun Ibraahin labaan jir ah(20 jir ah)  ugana da’yaraa ardeydaasi manta qalainjabisay.









Ardeygaasi da’da yar oo shabakada gobanimonews wareysatay ayaa ugu horeyn  waydiinay dariinkiisa, waxa uu ku jawaabay; runtii way igu adag tahay manta dareenkayga inaan kalmado ku cabiro balse si kooban hadaan u sheego aad aad ayaan runtii u faraxsa nahay.
S: maxaad baratay?
J: Management Sciences Information Technology    (MSIT)
S: mudadii jaamacada aad soo dhiganaysay caqabado kaa horyimd majiraan?.
J: Alle mahadii runtii wax caqab igunoqdey la maan kulmin mudadii an dhiganayay jaamacada.
S: ma kuu qorshaysan tahay inaad ku howlgasho cilmigan aad baratay, oo dalka kaga shaqayso?




J: inkasta oo hadaba aan shaqo hayo (xaga ganacsiga ah) hadan waan rajeynayaa cilmaigan inaan ku shaqeeyo aqontan aan bartay.
S: Tacliinta masii wadandoont aa mise halkan ayaad kaga hadhidoontaa?,
J: Waxaa jecelahay ama qorshahaygu yahay inaan sii wado oo diyaariyo Master
S: ayaad u mahad naqaysaa  oo taageero ku siiyay ama dhiirigalin,mudadii waxbarashada aad soowaday?
J: waxaan u mahad naqayaa labadayda waalid, macalimiinta wax noo dhigayay iyo madaxweynaha Somaliland oo nagala soo qaybgalay xafladii qalin-jabinta.