Sunday, September 15, 2013

SL: Madaxweyne Siilaanyo oo Burco u tegay Xalinta Khilaafkii Genel Energy ka Qaxday iyo Furitaanka Waddooyin Dawladu dhistay


Burco (GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo uu ku tegay safar uu maalintii labaad ku marayo Gobollada Bariga dalka.




Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco,waxaana inta uu joogo uu xadhiga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo dawladu ka fulisay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka, isagoo dhinaca kalena sida ay Gobanimonews u wararka ku heshay dhagax dhigi doona kuwo cusub.




Mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Magaalada Burco oo ay dawladu dhistay, isla markaana hore Maamulka Gobolku u furay, ayaa ka mid ah meelaha la filayo inuu xadhiga ka jaro.




Saraakiil ku dhadhow safarka Madaxweynaha ayaa Gobanimonews u sheegay inuu sidoo kale dhagax dhigi doono Mashruuca waddda isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo Laami laga dhigayo, isagoo dhanka Oodweynena la hadal-hayo inuu waddo la dhisay ka furo.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay sii furay Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Darar-weyne, dayac-tir lagu sameeyay meelo ka mid ah Jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa iyo Mashaariic kale.




Safarkiisan oo u muuqda mid u badan furitaanka mashaariic waddooyin ah oo la bilaabyo iyo kuwo la hir-geliyay, waxa bar-bar socda indho-indho uu ku sameynayo Xaaladaha nololeed iyo niyad-samaanta Bulshada Goboladda uu marayo, xili mucaaridad badani kaga oogantahay gudaha dalka, isla markaana Asxaabta mucaaridku dhaliilo badan u soo jeedinayaan Xukuumaddiisa.




Gobolka Togdheer eeuu haatan joogo , ayaa ah Magaalo muhiimad khaasa u leh siyaasaddiisa, hase ahaatee xiligan culays badani xukuumadda ka soo food-saaray,taasoo xudun u ah hakinta Sahaminta Shidaalka ee Shirkadda Genel Energy  ku kacday, ka dib markii dawladu waxba ka qaban wayday muran daba-dheeraaday oo dhex taagnaa Bulshada Deegaamada sahaminta Shidaalka laga waday.




La kulanka qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka, siiba kuwii khilaafku dhex maray Shirkadda Sahaminta Shidaalka, ayaa ah arin daruuriya oo loo baahanyahay, maadaama sababta ugu weyn ee loo aanaynayo joogsiga Mashruucaasi uu yahay mid salka ku haya arimo dhanka amaanka oo ah oo tabasho ka dhashay.




Ma cadda ilaa hada sida uu Madaxweyne Siilaanyo arintaasi u waajihi doono, isla markaana xal u keeni karo, balse waa qodob ka mid ah xaaladaha ugu waaweyn ee Gobolka yaala.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com