Saturday, September 7, 2013

Miroslav Klose: Waa Kaftan In La Ila Barbardhigo Halyeey Sida Gerd Muller.


Miroslav Klose ayaa shaaca ka qaaday inay kaftan tahay in lala barbardhigo Gerd Muller, ka dib markii uu barbareeyay rikoorka halyeeyga Jarmalka kulankii xalay ay 3-0 kaga badiyeen Austria.




Weeraryahanka Lazio ayaa goolasha furay kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee ka dhacay Munich, waxaana uu dhaliyay goolkiisii 68aad 129 kulan uu u saftay Germany isagoo barbareeyay goolashii Muller.




Toni Kroos iyo Thomas Muller ayaa goolasha kale ku daray oo u sahlay in Germnay ay xajisato hogaankeeda Group C, laakiin maalinta waxaa iska lehaa Klose, kaasoo diiday in lala barbardhigo halyeeygii Bayern Munich iyo Germany.




 




 




35 jirkaan ayaa saxaafada u sheegay ka dib guusha xulkiisa: “Wax weyn ayay ii tahay inaan barbareeyo rikoorkii Gerd Muller, laakiin ma doonaya inaad i dhigtaan heer la mid ah heerkii Gerd. Gabi ahaanba waa kaftan in la ila barbardhiga isaga.




“Qofna ma ahan inuu isbarbardhioi isaga ka dib wixii uu soo qabtay. Tirada kulan uu saftay iyo goolasha uu dhaliyay waa nin aysan jirin wax la mid ah.”