Saturday, September 7, 2013

Daawo Sawirrada Bale oo Taageereyaal si xoog ah garoonka ugu soo galeen kulankii Wales ee xalay.


Gareth Bale oo noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka ayaa xalay lagu daray ciyaartoyda keydka ah ee xulka Wales u matalayay kulankii Mecedonia kaga badisay 2-1 ee ka tirsanaa isreeb-reebka koobka adduunka.




Bale oo qeybta dambe ee ciyaarta la amray in uu iskululeeyo, ayaa waxaa si xoog ah garoonka kusoo galay laba taageere oo isku duubay Bale.




Mathiews oo u ciyaara Celtic oo ka mid ah xiddigaha Wales ayaa difaacay Bale ka hor inta aysan ciidamada ammaanka ee garoonka aysan ka qaban taageereyaashii kusoo xoomay.




 




 




Bale oo 86 milyan oo gini ku iibsatay Real Madrid, ayaanan kulankan la safin, iyadoo wali uu la halgamayo faya-qabka jirkiisa markii uu bilihii u dambeeyay dhaawac garoomada kaga maqnaa.