(GNA) Ciidamada Booliska Gobolka Florida ayaa xabsiga u taxaabay Baadariga Muslim naceybka ku caan baxay ee Terry Jones xili uu doonayay inuu gobo 2,998 nuqul oo Kitaabka Quraanka Kariimka.
Baaderigan ayaa hore ugu hanjabay in uu gubi doono Kitaabka Quraanka Kariimka, iyada oo falkan uu dhacay shalay oo ku beegneyd 11 September oo ah maalintii la qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee WTC.
Terry Jones ayaa sheegay in dadkii ku dhintay weerarkii 9/ 11 uu ugu aargudi doono, wuxuu yidhi si aan shucuurteena u muujino oo aan u xasuusano weerarkii 9/11 waa inaan ugu aar gudnaa 2,998 nuqul oo aan gubnaa.
Ciidamada Booliska Florida ayaa ka war helay in ninkan uu qorsheystay inuu xuska 9/11 ugu qeyb qaato gubista quraanka kariimka, waxayna ku qabteen wadada isaga iyo gaadhigiisa oo laga helay 2,998 nuqul oo Quraanka Kariimka.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa wuxuu sheegay in Baadari Terry Jones uu ku xadgudbay sharciga u yaala wadanka Mareykanka, sidaasi darteedna maxkamad la soo taagi doono.
Baaderigan ayaa hore hadalado uu jeediyay waxaa ka dhashay xiisad iyo dibadbaxyo Muslumiinta Mareykanka ay dhigeen, taaso halis gelisay naftiisa.
iyo isku dhac dadweynaha mareykanka taas oo ay ku nool yihiin muslimiin aad ubadan qaar dhalashada mareykan ka qaatay iyo kuwo udhashay mareykan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com