Caynaba(GNA)-Xafiiska Hay’adda Qaxoontiga u qaabilsan Dawlada Denmark ee magaceeda loo soo gaabiy DRC ku leedahay Somaliland, ayaa la sheegay inay Deegaamo ka mid ah Gobolka Saraar ka fulinayso mashruuc dib u dejin loogu sameynayo dad ka badan 200 qoys oo ka mid ah dadka Reer Guuraaga ah ee ku caydhoobay Abaarihii deegaamada Gobolka ka dhacay sanadihii u dambeeyay, kuwaasoo u baro kacay gudaha Magaalooyinka Caynaba iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Mashruucan oo ah mid dadka Gobolku si weyn u soo dhaweeyay bilowgiisii, looguna talo-galay in loogu iibiyo Adhi gaadhaya tobaneeyo Neef iyo Dameer Gaadiid ahaan ay isticmaalaan, ayaa la sheegay in laga leexiyay dadkii loogu talo-galay ee baro-kacayaasha ahaa, isla markaana Saraakiil Hay’addu fulinta hawshaasi u igmatay qorteen dad Magaalada degen oo ladan,kana mid ahayn baro-kacayaasha Caydha ah ee loo qondeeyay.
Sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida arrimaha Bulshada ee Degmada Caynaba, dadka laga leexiyay deeqdaasi, ayaa cabasho u gudbiyay Golaha deegaanka ee degmadaasi oo aanay markii horeba Hay’addu wax door ah ka siinin fulinta mashruucaasi, cabashadaasoo xildhibaano golaha ka tirsani Hay’ada u gudbiyeen, balse waxba laga qaban waayay.
“Hay’ada DRC waxay tidhi waxaanu dib u dejin u samaynaa ilaa 200 oo qoys oo ka mid ah dadkii Xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha ee Deegaanka Caynaba, dabadeed hawshaa waanu soo dhaweynay, dabadeed waxa Hargeysa laga soo diray laba Nin oo Hay’ada ka socda iyo Nin wasaaradda Dib u dejinta ka socda, nimankaasi iyagoo aan Golihii deegaanka ee degmada soo marin maamulkii waxba waydiin ayay dad iska qorteen aan ahayn kuwii baro-kacayaasha ahaa ee hawshan loo qaban lahaa, waxaanay qorteen dad boqol iyo konton ka badan oo dadkii ladnaa ee Magaalada ah, markaa arintaasi anigoo ku hadlaya magaca Golaha deegaanka ee degmada, ahna Guddoomiyaha Arimaha Bulshada , waxaanu u aragnaa in la musuqmaasuqayo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo maanta la hadlay.
Xildhibaan Abyan ayaa sidoo kale sharaxay noocyada taakulada dib u dejineed ee dadkan loo fidinayo iyo cabashada Bulshada ee ay hayaan.
Waxaanu yidhi “Dadkan waxa loo Iibinayaa baa la yidhi Tobaneeyo Neef wax lagu sheegay oo Adhi ah iyo Qoyskiiba hal dameer oo uu rarto si dib u dejinta loogu sameeyo oo ay noloshoodii ugu noqdaan, markaa annaga waxa naga soo gaadhay cabasho, waxaana noo yimi qoysas badan oo aanu garanayno oo cabanaya oo laga tegay, markii aanu qoladan wax musuqmaasuqaysa u sheegnayna waxbay way naga qaadan waayeen, markii horena namay soo marin oo maamulka Gobolka iyo ka degmada toona waxba kamay weydiin”.
Isagoo ka waramaya deegaamada Baro-kacayaashu ku caydhoobeen, waxa uu sheegay “Dadku waxay ka soo baro-kaceen Deegaamada Habar- heshay, Cceel-dhaab iyo kaam-Barwaaqo, dadka iminka la qortay ee aanu liisaskooda heynaana waa dadkii Caynaba gudaheeda degenaa ee ladnaa, markaa waxaanu ugu baaqaynaa Hay’ada in arintaa wax laga qabto”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha DRC iyo Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland oo la xidhiidha Eedeynta Xildhibaanku u soo jeediyay, waxaanan isku daynay inaanu la xidhiidhno Saraakiisha Hay’adda ee laga cabanayo, balse noomay suurto gelin.
Abaarihii soo noqnoqday sanadihii 2011 iyo 2013-kii ayaa sameeyay kumanaan qoys oo ka mid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee Somaliland, waxaana ugu darnaa deegaamada ay xooluhu sida aadka ah uga baxeen dadka Gobolka Saraar, Sool, Togdheer iyo Buuhoodle, meelahaasoo xooluhu u dhinteen Baad la’aan, ka dib markii Dhulku Xaalufay ee ay daaq waayeen.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com