Dubai(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan, Xildhibaano Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa caawa soo gaaray magaaladda Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.
Garoonka Diyaaaradaha ee Madaarka Boqortooyada waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomaliya u fadhiya Imaaradaka Carabta Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.
Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduucyo kala ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awooda ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.sidaasina waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Eng.Cabdiraxmaan Yiriisow oo Gobanimonews soo gaadhay.
Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.
Ma cadda in qaybaha kale Somalida oo sanadkii hore dhamaantood ka qayb-galay shirku goob-joog ka ahaan doonaan iyo in kale, hase ahaatee waxa magaalada Dubai ee isutaaga imaaraadka Carabta safar mugdi badani hadheeyay ku jooga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kaasoo tan iyo markii doraad uu ka ambo-baxay Magaalada Berbera wax war ah aan laga hayn ujeedada biyo kama dhibcaanka ah ee Safarkiisa.
Sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed Cabdiraxmaan Saylici ayaa la filayaa inuu Somaliland uga qayb-galo shirkan oo muhiim u ah marka laga hadlayo arrimaha Budh-cad badeeda oo ay kala shaqayso Beesha Caalamka, inkasta oo sanadkan lagu soo daray ajandihiisa arimo kale oo ku saabsan dib u dhiska adeegyada Bulshada ee dawlada somaliya.
Waxa loo filayay inuu xaga Somaliland ka qayb-galo Wasiirka arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo safar kedis ah oo salka ku haya bixitaanka shirkadda sahaminta shidaalka ee GENEL ENERGY ku tegay Dalka Ingiriiska, kaasoo isaga iyo wasiirka Macdantu maanta gaadheen Magaalada London.
Sidaasi darteed shirkan oo xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland laftoodu si weyn isha ugu hayeen su’aalo-na ka waydiiyeen xubno ka mid ah wasiirradu, ayaa ilowareedyadu sheegayaan in markii culayska bixitaanka shirkaddu yimi, xukuumaddu go’aansatay in madaxweyne ku-xigeenku shirka dubal ka qayb-galo.
Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda oo shirku furmayo, ayaa loo dheg taagayaa cida Somaliland u meteli doonta iyo inay sanadkan ka kaaftoontay tegitaankiisa, wallow ay hore goob-joog uga ahayd kuwo kale oo kan ka miisaan yar.
Daawo Sawirada madaxweynaha somaliya oo caawa ka degay Dubai
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com