Friday, September 6, 2013

Dawlada maraykanka oo sheegtay inay wali ku raad joogto Al amiriki..


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay wali ku raad-joogto Cumar Shafiq Hamaami oo loo yaqaano Abuu mansuur Al-Amriiki, kaasoo maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.




War ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa looga jawaabay hadalkii Abuu Mansuur Al-Amriiki, iyadoo lagu sheegay in Cumar Xamaami oo ah muwaadin u dhashay Mareykanka uu Soomaaliya u tagay inuu ku biiro Al-Shabaab kana go'neyd.




Waxaa uu ku eedeysanyahay inuu gacan weyn ka siiyay Al-shabab, oo uu Mareykanka u aqoonsanyahay argagixiso, howlgaladii mulatary iyo ololiha dacaayadaha kooxda ee dhinaca warbaahinta.




Bishii July 29kii sanadkii 2011kii, ayey dowladdda Mareykanka ku dartay Xamaami liiska dadka Marykanka u dhashay ee loo doon doonayo falalka argagixis, ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SDN)
Qodobka sharci ee loo cuskanyo Liiskaasi ee tirsigiisu yahay -13536- ayaa faraya in laga mamnuuco oo laga xanibo hantida, shaqsiyaadka u dhashay mareykanka, ee macaamil maaliyadeed la sameeya, si toos ah iyo si aan toos aheynba – shaqsiyaadka ama hay’adaha falalkooda ay si toos ah halis ugu hayaan nabadda, iyo xasiloonida Somalia.




Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa waxaa lagu daray liiskaasi shaqsiyaadka loo aqoonsaday inay halis ku yihiin nabadda Somalia, sida ku xussan qodob sharciyeedka mareykanka ee tirsigiisuyahay – 13536- iyo inuu sidoo kale taageeray ururka Al-shabab, oo sida ku xussan xeerka numbarkiisu yahay 13226- Mareykanku uu u aqoonsanyahay urur Argagixiso oo shisheeye.




Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka barnaamijkeeda – lacagta kubixiya soo qabashada dadka loo doo doonayo cadaaladda – ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (RFJ) ayaa lacag gaareysa 5 malyuun oo dollar dul dhigay madaxa Xamaami, taasoo abaal marin ahaan loo siinayo cidii soo sheegta war horseeda in la soo qabto Cumar Xamaami.
Warkan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xussay aragtida safaaradaha mareykanka ee ku howlan isku duwidda wararka ku aadan soo qabashada ragga xamaami oo kale ah.




Waxaa lagu sheegay warbixintan in Xamaami uu yahay nin xeer beeg maxkamadeed oo Mareykan ah ay eedo ku soo oogeen, sidaa daraadeena mareykanku uu weli daneynayo, helista wararka ku aadan sidii loo soo qaban lahaa.




Wasaaradda Arimaha Dibadda waxey adeeg safaaradeed u fidisaa muwaadiniinta Mareykanka marka ay la soo xiriiraan safaaradahaasi, waa hadii ay xaq u leeyihiin in adeegaasi loo qabto.




Hadii Xamaami uu nala soo xiriiro, waxaan u fidin doonaan caawimaadaas sida uu qabo sharciga mareykanka iyo xeerarka u degsan.