Friday, September 6, 2013

Burco: Shirkadda Genel Energy oo joojinaysa Sahamintii Shidaalka Togdheer iyo Bulshada oo ka dooddaysa Dhulkii ay Xagaaftay


Burco(GNA)-Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee Genel  Energey, ayaa shaqaalaheedii kala soo baxday Magaalada Burco maalintii shalay, waxaana jira warar sheegaya inay guud ahaan joojinayso mashruucii sahaminta shidaalka ee ay ka waday Somaliland.




Tani waxay ka dambeysay caqabado dhinaca amaanka ah oo ka hor yimi , ka dib markii bulshooyinka ku dhaqan deegaamada  ay hawsha ka fulin lahayd isku fahmi waayeen sidii ay mashruuca u fulin lahayd bulshada xuquuqdooda deegaan u siin lahayd.




Ma jiro war ka soo baxay Maamulka shirkadda oo la xidhiidha heerka uu gaadhsiisan yahay Go’aankooda ka bixista Gobolka Togdheer iyo hadal haynta sheegaysa inay joojinayaan sahaminta oo dhan, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah wax-garadka Gobolka Togdheer  go’aankan ayaa iminka dadweynaha Gobolka xasuusiyay waxyeelada ay gaadhsiisay shirkaddu intii ay hawsha waday deegaamadii ay wax ka qabatay.




Shirkadda Genel Energey, ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay hawsha qorsheynaysay inay  sahamin ka fuliso deegaamada Sanyare, Gumbur libaax ilaa deegaanka Waraabeeye, halkaasoo sida la sheegay deegaamada qaarkood ay waddo banayn ku samaysay, meelaha qaarkoodna markii ay cagafyada geysay laga soo eryay.




Waxay ka midtahay tiro shirkado ah oo ay dawlada Somaliland Heshiis Baadhis shidaal iyo macdan ah la gashay, xili aanu waddanku lahayn Xeerkii lagu xakameyn lahaa hadiiba muran ama dhibaatooyin kale ka yimaadaan mashaariicda noocaasi ah.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com