Salaanta islaamka ka dib, waxaan aad isu-weydiiyaa dareenkii gobanimada iyo run-sheegitu sida badi bulshadeena ugu yaraaday, ama loo waayey ashkhaas ku dhiirada u tilmaamida xumaan iyo wanaag waxuu mudan yahay qof kastoo isa-soo-qadima, (Annigana ku dhehoo) ilayn hadii qof kastoo damiirkiisu xidhi waayo waxuu soo waaridayaa maqaalo xaqiiqada ka durugsan, iskuna qancinayo mid bulshadu ku qanacsan tahay qoraaladiisa, maadama indhow-garadku u qaadanayaan xaqiiqo markuu ku celceliyo.
Hadaan u soo laabto mawduuca qoraalkaygu maanta ku aroorayo, annigoo raacaya xadiiskii nebigeena CSW ee macnahiisu ahaa “Walaalkaa u hiili haduu gardaran yahay hadii laga gardaran yahay” waxaan jecelahay inaan talooyin kooban u gudbiyo nin ixtiraam iga mudan da’diisa awgeed, balse haddana, ila qumanaatay inay erero ka idhaahdo maqaalo aan wax badan oo cusub ka muuqan balse daabacaadooda ku walfay.
Ninkaa oo Cali Guray la yidhaahdo, annigu markaan maqaaladiisa akhriyo nooc maada ah ayaan ka dhigtaa (dadkuna inay ila qabaan ayaan filayaa) maadama yihiin qoraalo inta badan iska hor imanaya ama weedha (ANNIGU) is-sheegistu ku badan tahay, taasoo hore soomaalidu u tidhi (Nin is-faanshay-waa ri’ is-nuugtay), waxaan uga socdaa, qofku wuu u madaxbanaan yahay cabirida fikirkiisa, balse waxa shardi u ah inaan xaragada ka tegin (lafaha qaad-xaragana ha ka tegin) ayaa la yidhee.
Waxaan xusuustaa annigoo aan soo koobi Karin qoraaladiisa waxaan mid uu ku dhaliilayey hogaaminta Madaxweyne Siilanyo, kuna tilmaamay hogaamiye aan u lahayd hibo doorashada, mar walbana soo xusha dad aan kalsooni badan lagu qabin ama waayo-aragnimo lahayn, oo liita…balse waxaan xusuustaa Cali Guray, xilli madaxweyne Siilanyo u magacaabay xafiis bixin jiray mashaariic dawladaha hoose fulinayeen oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland xilligii Adhiga la joojiyey (Adhi-gabadii) wakhtigii madaxweyne Siilanyo wasiirka Maaliyadda ahaa, waxaan is-weydiiyaa, ilay Cali Guray waa kaa xilka Siilanyo u magacaabee miyuu ka duwana xilligaa ashkhaasta liita (siduu hadalka u dhigay) ee caadada u lahaa magacaabistooda Siilanyo, mise Cali ayaa xilligaa wanaagsanaa? Bal adba!
Waxaan xusuustaa wakgti Cali Guray isagoo duraya madaxweyne Siilanyo ku tilmaamay nin aan abaal lahayn, oo xilligii jabhadaha Cali Guray ku soo dhoweeyey gurigiisa iyo sariirtiisa! (ujeedada isagaa fasiri) uu ka lahaa.
In badan waxuu ku celceliyey dalka cid kalaa u talisa, oo madaxweyne Siilanyo tallo faro uguma jirto, haddana xilli kale waxuu lahaa, madaxweyne Siilanyo si wanaagsan ayuu ii yaqaanaa, oo hadaan u tago waxa la jooga anniguu igaga kalsoon yahay, haddaba, tolow ma wakhtigaa ku dheeraaday Cali guray!
Shalay waxuu qoray xukuumadu annigay iigu neceb tahay, waxaanan dhaar ku marayaa inaan kumanaan qof badhtanka Hargeysa isu soo saari doono….balse horaa loo yidhi, nin anni yidhi dad iska reeb…micnaha qofku haduu go’aan qaato wuu ku dhaqaaqaa isagoo aan is-sheegin, hadii kale waxuu sheegayaan xaqiiq ku dhisnayn, cali miyaanu taa ogsoonayn.
Cali guray waxaan leeyahay, berri baan laba oday xilligii Siyaad barre ku ballameen inay reer aanay ahayn sheegtaan si raacista diyaaradii Xamar ugu sahlanaato, labadii odey midkood ayaa laga reebay odhaah taariikhda gashay oo ahayd “Bilaa la noolaa”, amarka ilaahayna labadii odeyba waxay soo gaadheen dalkii oo xoroobay, immika waxaan leeyahay Cali gurooooooow, aduunyadu maanta maaha taariikh ayaa ka hadhaysa, ee bal ubadkaaga ha uga tegin weedho lagugu xusuusto oo xanaf leh.
Waxaan u ballanqaadayaa akhristayaasha sharafta leh, inaan maqaalo dambe idiinku soo gudbiyo hadalo badan oo cali guray warbaahinta ka sheegay iyo kala duwanaanshahooda, idinkaana idiin deynayaa ka garnaqooda!
Nin Luqmaan xakiin la odhan jiray oo ilaahay quraanka inoogu sheegay ayaa waanooyin uu inankiisii uga tegay ku jirtay “Wiilkaygow, waan isku canaantay hadal badnaan-iskumase canaanan aamusnaan” Waxaan kaga baxayaa “hadalkaan fiiro loo odhan iyo caanahaan fiiqsi loo dhamin..feedhaha ayey wax-yeelaan Caloooooooooooow!!!
By: Ayaan Omar- Boorama
ayanlucky@gmail.com