Stockholm(GNA)-Waxaa sanad walba lagu qabtaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ciyaaraha xagaaga oo uu soo qabanqaabiyo Ururka SEUKI oo ka dhisan dalka Sweden.
Ciyaarahan ayaa sanadkan waxa la isugu keenay 12 kooxood oo ka kala yimid dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool qaaradan Europe. Muhiimadda iyo hadafka ciyaarahan looga danleeyahay ayaa ah in ay dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool qaaradan Europe ay isku dhex gali lahaayeen.
Ciyaarahan ayaa si xiiso leh ku billaabmay, kuna dhammaaday si xarago leh oo dadweynihii ka soo qayb galay aad indhahooda ka dheehanaysay farxadda iyo reeynrayn ay ku qanceen habka loo soo qabanqaabiyay iyo jawiga uu ku dhammaadayba.
Kulankii kama dambaysta ahaa ee ciyaarahan oo isugu soo baxeen labo kooxood oo horay loo sii saadaaliyay kuwaasi oo kala ah Kooxda ku Ciyaarta magaca Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil iyo kooxda Qaran Sweden oo iyadu horey 3 jeer oo isku xigta u qaadday koobkan.
Kooxdan Dahabshiil Norway ayaa 5tii sanadood ee ugu danbaysayba lagu reebayay gool-ku-laad, ( Benelti-, ama rigoorayaal). Khubarada ciyaarahan goob jooga ka ahaa ayaa dhammaantood ay isku raaceen in Kooxda Dahabshiil Norway ay quwadda jirka iyo xirfadaba ay ka ga horreeyeen dhammaan kooxihii ka soo qayb galay.
Ciyaarta Koobka oo maanta dhacday aaya waxa garoonka soo buuxiyay dhamaan waalidiinta iyo dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Stockhom, kuwaasoo si anshax iyo edeb ku jirto u kala taageerayay labadan kooxood ee finalka isugu soo hadhay.
Ciyaarta labada kooxood dhexmartay ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis.
15-kii daqiiqadood ee ugu horreeysay ayaa la arkayay in ay kooxba kooxda kale darsaysay habka ay u ciyaarto.
Ciyaartu markii ay socotay 18 daqiiqadood ayaa kooxda Qaran Sweden gool si wanaagsan loo soo dhisay ay halkaas ka dhaliyeen, taageerayaashii kooxda Qaran Swedena ayaa halkaas dabaal dag iyo sawaxan qaylo farxad wata ka dhigay. inkastoo kooxda Dahabshiil Norway gool lagaga hormaray haddana may is dhigan oo aad ayay isku dajiyeen maadaama waqti badan uu ka haray ciyaarta.
Daqiiqaddii 33aad ayay kooxda Dahabshiil Norway ay la soo baxday dardar iyo isku xirnaan ka muuqata ciyaartooyda dhexda ka ciyaarayay iyo weeraryahannadaba. Waxaa halkaas ugu suurtowday in ay goolkii lagu lahaa iska soo gudaan , ciyaartiina ay noqotay 1 iyo 1.
Qaybtii danbe markii la isugu soo noqday ayaa dhammaanba garoonka laga dareemay in ay kooxdii Ka socotay Dahabshiil Norway ay si xarago leh ay u maamulanaysay ciyaarta, inkastoo kooxda Qaran ay dadaalaysay haddana waxaa mar qura looga naxsaday goolkii labaad.
Kooxdii Dahabshiil oo ogaa in aan la dhayalsan karin kooxda Qaran oo sanadkii 2012 ku guulaysatay koobkan ayaa aad u adkaysay difaaceeda maadaamaa ay goolkii labaad heleen.
Si kasta ciyaartu ha ahaatee waxaa weerar aan loo kala harin soo qaaday kooxda Qaran oo doonaysay in ay iska soo gudo goolkan lagu hoggaaminayay, inta badana waxay hujuum aan loo kala harin ku qaadeen dhinicii kooxda Dahabshiil Norway.
Weerar iyo weerar celis kaddib ayaa mar kale kooxdii Dahabshiil Norway u suurta gashay in ay goolii 3 dexaad ay halkaa ka dhaliyaan, waxaana 3da goolba u saxiixay laacibka Abdirashiid Caddaay oo isagu halkaas ku guddoomay biladdii gool dhaliska intii ay ciyaarahani socdeen.
Si kastaba ha ahaatee Kooxda Dahabshiil Sweden, ayaa ku guulaysatay Koobka Kooxaha Yurub ee somalida, waxaanay guushani kaabaysaa awoodda ciyaareed ee ay kooxdaasi ku leedahay Yurub.
Gobanimonews
London Office