Wednesday, July 10, 2013

Beirut: Qarax Ruxay Dhamaan Magaalada oo Galaaftay Nolosha 53-Ruux tobanaan kalena Lumiyay +Sawirada


(GNA) Qaraxyo xoogan oo loo adeegsaday Gawaadhi lagusoo xidhay Bambaano iyo walxaha qarxa ayey ku dhaawacmeen ku dhawaad 53 ruux magaalada Beirut ee dalka Lubnaan .




Qaraxyadan ayay ka dhaceen caasimada dalkaasi Lubnaan xili subaxnimadii saakay waxayna gabi ahaan ruxeen magaalada iyadoo ay waxyeelo kala duwan u gaystay dad badan oo iyagu ku sugna goobaha uu ka dhacay Qaraxyada.
Waxaa mar qudha isbedashay jawiga xaruumaha ugu waaweyn ee magaalada Beirut waxana la arkayay sawaxan qeelo iyo qiiq madow oo uuro wata .




Booliska iyo qolooyinka Caafimaadka ee soo gaadhay goobtaa ayaa ka daabulay dhaawacyo ilaa haatan lasoo sheegayo iney isku jiraan kuwo caafimaadkooda laga deyriyay .
Dowladda Lubnaan ayaa warar kala duwan kasoo saartay in ay qaraxyadaasi ka danbeeyeen Sunniyiinta dalka Syria iyadoo warkale ay goor damnbe soo saaren ay ku sheegeen iney qaraxyadaasi ay fuliyeen Sunniyiinta ku dhaqan dalkaasi Lubnaan.








ilaa haatan aan wax cad oo lagu eedeeyo suniyiinta reer lubnaan ma ay keenin dawlada lubnaan .
waxaa kale oo ilaa imika aan war loo hayn inta ku dhimatay oo sugan hadana waxa uu sheegay sarkaal uhadlay waaxda nabadgaliyada ee dalka lubnaan in ilaa caawa ilaa bari la soo saari doono dhimashada dadka ku dhintay weerarkaa aan loo meeldayin ee lala beegsaday dadka rayidka ah.