Thursday, July 11, 2013

SLN: Wasaaradda Diinta oo Midaynaysa Eeddamaada Salaadaha Bisha Ramadaan iyo Jadwalka loo dejiyay


Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Midaysay Eedaanka  Salaaddaha shanta Wakhti si Bulshadu aanay ugu Khal-khalin Eeddaamaha kala dambeeya ee xiliyada Suxuurta, waxaanay dhamaan Masaajida u qabisay Jadwal lagu Mideeyay xiliyada la addimayo Salaadaha oo dhan.




Jadwalkan ayaa ay Wasaaraddu ku shaxaysay dhamaan Wakhtiga Edaamada Salaadaha ee   sodonka Bisha Ramadaan iyo Aqiinkoodaba, waxaana Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil Cabdilaahi uu Jadwalkaasi ku shaaciyay kulan balaadhan oo uu Maanta  la yeeshay Culimada Masaajidada Somaliland, kaasoo ka dhacay xarunta Wasaarada ee Magaalada Hargeysa.




Sheikh Khaliil Cabdillaahi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sidoo kale Mu’adimiinta Masaajidada u soo jeediyay talooyin la xidhiidha qaab lagu dejinayo Isticmaalka Erayada loo adeegsado Eedaamada kala dambeeya ee Salaada.




“Inaan Eedaanka hore ee Daakiraada lagu darin Ergayga “Asaatu Kheyru minanown”, balse lagu daro Eedaanka dambe ee Waaberiga ee ay salaadu joogto.”ayuu Wasiirku ku yidhi Qoraal uu halkaasi uga akhriyay Culimada.




Wasiir Khaliil ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jeediyay.“waa in laba Eedaan ee subax ay u dhaxayso wakhti dhan 40 Daqiiqo iyo in Salaadaha dhamaan Eedaankooda iyo Aqiimistooda ay u dhaxayso hadii meeshu Xaafado tahay 20 Daqiiqo, haday suuq tahayna 15 Daqiiqo.”




Sheikh Khaliil Cabdillaahi, ayaa ugu dambeyntii Mu’adimiinta iyo Culimada kale ee kulankaasi ka soo qayb galay u soo jeediyay “Waxaan Idinka rajeynayaa inaad nidaamka ilaalisaan, Ilaahayna aad ka cabsataan Masuuliyadda idin saaranna aad Ilaahay dartii u gudataan.”




Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay xubno ka mid ah culimadii ka soo qayb-galay, kuwaasoo sheegay inay u hogaansami doonaan awaamiirta iyo soo jeedinta Wasaaradda diinta iyo awqaaftu u dejisay Eedaamada Salaadaha Bisha Barakaysan ee Ramdaanta.




Jadwalkan ayaa hadii ay Culimadu dhaqan geliyaan wax badan ka bedeli doona Jahawareerkii ay Bulshadu kala kulmi jireen Eedamaha kala dambeeya ee Masaajida oo aymararka qaar kala garan waayaan inuu Eedaankii dambe yahay iyo in kii lagu suxuuranayay uu yahay.




 Gobanimonews




Hargeysa Office