(GNA) Booliska dalka Spain ayaa gacanta ku dhigay Danbiile in badan ay Dawlada Britain baadidoonkiisa ay ku jirtay mudo dhan ilaa 13-sanadood.
Mark Lilley oo ah 41 jir udhashay dalka Britain ayaa waxa ay ka qabteen Booliska dalka Spain xaafada lagu raaxeysto ee Costa Del Sol halkaasi oo la rumeysanyahay inuu ku dhuumaaleysanayay 13 sano in kabadan.
Ninkan ayaa kamid ah dadka mamnuuuca ka ah dalka Britain waxayna shaqadiisa ahayd ganacsiga Daroogada waxayna kusoo oogeen dowladda dalka Britain danbiyo kala duwan waxayna islamarkaasi dhigeen xabsi ku yaalla dalka Britain kahor inta aanu kasoo baxsanin xabsigaasi ku yaallay dalka Britain.
Mark Lliley oo baxsanayay mudo 13 sano ah ayaa ugu danbeyntii gacanta ugalay ciidamada dalka Spain oo qeyb weyn ka qaatay qabashadiisa waxayna sheegeen ciidamadu in Ninkan uu isticmali jirey Baasaboor ama aqoonsi been abuur ah.