Friday, July 12, 2013

Istanbul: Markii Ugu Horeysay Ee Ay Kulmaan Ninka Aduunka Ugu Dheer & Kan Ugu Gaaban!!


(GNA) Magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa abaabushay Xaflad lagu soo bandhigayey Dadka Aduunka kaga Jira Guinness Book marka loo eego halka Dhererka.




 Kulankaas waxa isku arkay Marki ugu horaysay nimanka aduunka ugu Gaaban iyo ka ugu Dheer, Waxayna kala yihiin ninka Turkiga u dhashay ee la yidhaa Sultan kosin iyo ninka  Mongloya u dhashay ee Ping Ping.




Sultan Kosin aya dhererkiisu yahay 2.46 cm ahna ninka aduunka u dheer, Halka Ping Pin ee reer Mangloya uu yahay 74cm oo kaliya kuna haystoRecodka  ninka addunka ugu gaaban.




Kulanka dhex maray ayaa ahaa mid aad u wansgan walow ay muuqatay farqiga u dhaxeeyey.




kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadyoow aad ufaraban iyo shiriikado caalamiya halkaa oo ay warbaahintu labadaba ay wareeysi aad uxiiso badan lagaga qaaday.




hadana indhaha dadka ku nool daafaha dunida ayaa waxaa soo jiidatay labadan nin ee kala haysta ka ugu gaaban iyo ka ugu dheer. marka la eego goobta ay xafladaa ka dhacday ayaa waxaa isku yimid dadka aadka looga yaqaan qaarada yurub ama dunida inteeda kale taas oo ay halkaa kula galeen sawiro taariikhi ah.