Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi mar uu maanta la hadlay Telefishanka Dawlada waxa uu ka digay maxsuulka ka dhalan doona waxa uu ku tilmaamay Mudaharaadyo iyo kacdoon shacbi oo ay hormuud ka yahay Golaha Badbaada Qaranka iyo Toosinta ee dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay.
Muuse biixi Cabdi ayaa Siyaasiyiinta iyo Mujaahidiinta ku dhawaaqay Golahaasi ugu baaqay inay Miiska wada hadalka yimaadaan oo talo iyo tusaale waxay hayaan Xukuumadda ugu soo bandhigaan si ka qabow sida ay hada wax u wadaan, isagoo geesta kale ku dooday in hadii ay taasi aqbali waayaaan uu isagu cagahiisa ugu tegi doono.
Muuse Biixi wuxuu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin Xisbi ahaaan iyo Xukuumadduba cid kasta oo talo iyo toosin qaranka u soo jeedinaysa, wuxuuse sheegay inaanay in taasi loo maro dariiq Qaranka dhaawacaya.
“Dalkeenu maanta ma qaadi karo Mudaharaad la soo abaabulay, waayo iminka waxa laga qaylinayaa dhaqaale xumo, waxa laga qaylinayaa shaqo la’aan , markaa marka mudaharaad dhaco waxa imanaya dhaqaale bur-bur iyo dhibaato xoog badan, markaa waxaan u soo jeedinayaa waxba Saxaafadda hadalo isu marin mayno, inay talo iyo tusaaleba soo jeediyaan oo aanay u marin sidan ay iminka wax u wadaan.”ayuu sheegay.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Waxaanan leeyahay soo dhawaada oo waxaad talo haysaan la kaalay waxba warbaahinta yaynaa hadalka isu marine, hadii ay noo iman waayaana annaga ayaa u tegayna oo waliba aniga ayaa u tegaya, wada tashiga iyo toosintuna waa wax loo baahanyahay.”
Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa daba socda Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo todobaadkii hore lagaga dhawaaqay hargeysa, golahaasoo Xukuumadda siilaanyo iyo xisbiga kulmiye xaasaasiyad siyaasadeed ka muujiyay.
Gobanimonews
Hargeysa Office