(GNA) Jariirada New York Times ayaa cadadkeedi khamiistii kaga warantay Muraayado heerkooda tignoolaji sareeyo oo Shirkada Google ku hawlan tahay sidii ay dhawaan suuqyada caalamka ugu soo dayn lahayd, muraayadahan ayaa ah kuwo kaambuyuutaraysidh ah oo ku shaqaynaya barnaamijka loogu yeedho Android.
Inkastoo shirkada Google ay wali qarinayso xaqiiqada dhabta ah iyo waxa ay qabanayaan muraayadahaasi, xaqiiqo iyo xogo badana aan laga hayn, hasa yeeshee waxa ay jariiradu ku tilmaantay kuwo leh awood ay ku gudbin karaan macluumaadyo kala duwan, isla markaana leh kamarada awoodoodu aad u sarayso oo qaadaya sawiro xajmigooda iyo awoodooduba tayo badan tahay.
Kamaradaha ku rakiban muraayadahan ayaa gudbin kara macluumaad kasta oo ay arkaan ama qofka xidhani ku eego, iyaga oo aan u baahnayn wax lagu xidhiidhiyo waayo? Waxa ay ku hanaansan yihiin internet Thuraya ah oo meel kasta ku shaqayn kara.
Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar
Gobanimonews.com