(GNA) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo wareysi dhinacyo badan taabanaaya siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universaltv, ayaa wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo, ay si adag ugala xisaabtami doonaan Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la magacaabay Guddi, oo baadhaaya wararka sheegaaya in Ciidamada Kenya, ay ka qeyb qaateen dagaaladii qadhaadhaa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu soo hadalqaaday arinta ku aadan Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna sheegay inay jiraan su’aalo ay weydiinayaan Taliska ammaanka ee Dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku eedeeyay inuu dalka ka geystay dagaalo, sidoo kalana ay jiraan eedeymo ka dhan ah Sheekh Xasan Daahir Aweys.