Monday, July 8, 2013

Banaanbax culus oo looga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo ka dhacay Magaalada Jowhar


(GNA) Banaanbax culus oo si weyn loogu diidan yahay Ciidamada Dowladda Kenya ee Amisom ka tirsan, ayaa wuxuu maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.




Boqolaal ka tirsan dadka reer Jowhar, ayaa waxay maanta isugu soo baxeyn Gurigii Shaqaalaha ee Magaalada Jowhar, waxaana banaan baxaan soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda.




Boorar waaweyn oo lagu soo xardhay ereyo kul kulul oo ka dhan ah Ciidamada Kenya, ayay maanta wateen dadka reer Jowhar, oo muujiyay sida ay uga caroodeen xasuuqii ay Ciidamada Kenya ka geysteen Magaalada Kismaayo.




Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka soo qeyb galay banaanbaxa ballaaran ee maanta ka qabsoomay Magaalada Jowhar, ayaa waxay ka jeediyeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Kenya.




Shalay ayay ahayd markii banaanbax kaloo culus oo looga soo horjeedo Ciidamada Kenya, uu ka qabsoomay Magaalada Baladweyne, iyadoo Arbacadiina uu banaanbax kale ka dhacay Magaalada Garbahaarey.




Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu shalay sheegay in Taliska Amisom iyo Ururka Midowga Afrika, ay kala xisaabtami doonaan, wixii Ciidamada Kenya ay ka geysteen Magaalada Kismaayo.