Sunday, December 7, 2014

xubnaha koomiishanka qaranka oo maanta la dhaariyay iyo madaxweyne siilaanyo,oo la dar daarmay.

Hargaysa(GNA)Kumiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ayaa Maanta Guddoomiyha Maxkamada Sare ku Hor Dhaariyay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Hortiisa in ay Dhex u ahaan Doonaan Saddexda Xisbi Qaran Cadaaladana Ku Maamuli Doonaan.

Toddobada Xubnood ee Kumiishanka Ayaa Mid Waliba Waxa uu ku Dhaartay inuu Cadaalada Sinaan iyo Eex La’aan Ugu Adeegi Doonaan Asxaabta Mucaaradka Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf ismaaciil Ayaa Dhaartaas Ka dib waxa uu ilaahay uga Baryay Kumiishanka Doorashooyinka in Ay Cadaalada ku Maamulaan Dalka waxaana uu yidhi.

“Xilkaas Aad umada u qaadeen eed Musharaxiinta u qaadeen,waanu idiin Ducaynaynaa ee ilaahay ha idinku Asturo,waxaana Laydinka Doonayaa Go’aamada Aad gadhaan in ay Noqdaan Qaar umadu ku liibaanto,Ciida Ayaad xilkaas u qaadeen iyo Dalkabee Cadaalada ku hogaamina Dalka.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa isna Dar-daaran ku Guubaabiyay Kumiishanka Cusub ee Somaliland waxaana uu yidhi.

““Aaad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.

Madaxwaynaha Somaliland Oo hadalkiisa Siiwata Ayaa intaas waxa uu ku daray” “Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee Illaahay Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Si Kastaba ha Ahaatee Kumiishanka Doorashooyinka Ayaa Lagu Guubaabiyay in Cadaalada ku Maamulaan Dalka,waxaana Lagu Dhul Sugi Doona Halka Ay ku danbeeyey.

Mustafe Axmed(Herer)

Gobanimonews/Office

Hargaysa/Somaliland

Herersax@Gmail.Com