Sunday, December 14, 2014

xaalada Boorama oo cakiran +xildhibaano la xidhay +suldaankii oo taageero helay

Boorama(GNA).wararka naga soo gaadhay magaalada boorama ayaa sheegaaya in xaaladu tahay mid cakiran oo aan degnayna ka dib markii ay xalay ciidamada boolisku xidheen laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka boorama taasinay ay ii cakirisay xaalada amaan ee magaalada boorama iyada oo sahacabka magaaladu ay ka cabanaayaanb ciidamo la dhoobay gudaha magaalada oo ka tirsan ciidanka la dagaalanka Argagaxisada ee RRU yada oo iyagu hada gacnta ku haya amaanka magaalada boorama.
geesta kalana waxa soo baxaaya cuqaasha taageerada u fidinaysa suldaan wabar oo isagu hada ku jira buiraha gobalka Awdal iyada oo ay maanta taageero u muujiyeen tiro suldaani ahi kuwaas oo sheegay in uu sax yahay suldaan wabar, xubanahii wasiirada ahaa ee uu madaxweyne Siilaanyo u diray xalinta arintan ayaa iyagu ku mashquulay maanta inay booqdaan dhismayaasha dawlada sida madaarka magaalada boorama iyada oo shacabkuna codsanaayaan in laga saaro magaalada si xaaladu u degto.
isku soo wada duuboo xaalada magaalada boorama ayaa sii cakirmaysa maalinba maalinta ka dambaysa.
Mustafe Axmed(Herer).
Gobanimonews.com.office
hargaysa/somaliland