Hargeysa(GNA) Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ayaa maanta Su’aalo ka waydiiyay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo Golaha in muddo ah hortaalay.Wasiirka ayaa ka jawaabayay Su’aalo badan oo Mudaneyaasha mad-madow kaga jiray.
Wasiirka oo mudaneyaal dhawr ahi wax ka waydiiyeen Arinta horumarinta Gobolada bari siiba Lacagta kabka ah ee 2%-ga ah ee loogu tala galay in lagu horumariyo Gobolada Bariga inuu caddeeyo Mashaariicda ilaa hadda lagu hirgaliyay maadaama ay Malaayiin doolar gaadhayso waxa uu sheegay in lacagtaas iyo Dakhli kale oo Gobolada la galiyayba horumaro aanu cayimin la galiyay.
“Arinta la xidhiidha Gobolada Bariga iyo wax ka qabadkooda,umay yaraysan Xukumaddu, wax badan bay ka qabatay, hadday tahay Iskuulo, hadday tahay Dhakhtaro, hadday tahay Wado iyo hadday tahay Kaabayaasha kale ee dhaqaalaha eekala duwan.runtii si weyn bay xukumaddu wax uga qabatay Intaas oo Xannaano(MCH), intaas oo Iskuul, intaas oo Jaamacadood, intaas oo wado bilaw ah intuba waxay runtii ka mid yihiin waxyaabaha XUkumadda Kulmiye wax ka qabatay 2%-dana sidoodii ayay u galaan dakhli ka badana wuu galaa Gobolada Bari” ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiir Samaale oo sidoo kale wax laga waydiiyay Baahida Keentay In Guryaha Qaranka oo Miisaaniyaddana uu ka muuqdo Kharash Dawladda ka soo gala keentay in la Iibiyo ayaa ku jawaabay “Guryaha la iibinayo, dawladdu waxay xaq u leedahay in wixii Guryo dawladeed ah ee aan la isticmaalayn la iibiyo oo Lacagta lagu Iibinayaana ay gasho Kharasha Dawladda iyo Miisaaniyadda, markaas Miisaaniyadda 2015-ka waxaa ku jira Guryaha dad ku jiro oo u baahan in loo Sharciyeeyo oo si sharci ah looga iibiyay islamarkaana Miisaaniyadda ayay ku cad yihiin, lacagta ka soo xaroonaysa Guryahaasi Miisaniyada waxa wey kuma ah oo waa wax kooban” Ayuu yidhi Samaale.
Wasiirka waxa kale oo ay Xildhibaanadu waydiiyeen Tirada Shaqaalaha Dawlada ee Somaliland intii ay ahayd Xukumadihii hore iyo Inta shaqaale ah ee ay ku kordhiyeen waxanu hoosta ka Xariiqay in Tirada shaqaalaha ee ka horeyey 2010-kii ay ahaayeen 8504 halka Sanadkan 2015-ka ay ka yihiin 16089 shaqaale ah, waxa kale oo uu tilmaamay in shaqaalaha Dawladu ay qaadato hay’ada Shaqaaluhu Imtixaan ka qaado, isla markaan Shaqaalaha dawlada ee Gobolada Barriga imtixaanka laga qaaddo Burco, halka Gobolada kalena Hargeysa Laga qaado.
Wasiir Samaale waxa laga waydiiyey Qiimaha Xad-dhaafka ee lagu qaato Basaboorka Somaliland oo ah mid Qiimihiisu kor u dhaafay 160- Dollar ayaa waxa uu wasiirku sheegay in Qiimaha lacagta E-Passaporka aanay wasaarada Maaliyadu Dajin balse Golaha wakiiladu Ansixiyeen, waxa kale oo Wasiirku beeniyey in wasaarada Maaliyadu in ay cashuur kordhisay isaga oo xusay in aanay wax cashuur ah Kordhin.
Xildhibaan Xassan Cawaale oo Wasiirka isna Su’aal Waydiiyey ku waajahan Haddii ay Isbixinwaydo Odoroska Miisaniyadu halkee laga bixinaya, waxa kale uu waydiiyey haddii Lacagi ka soo hadho Miisaniyada Sanadkaasi meesha la geeyo waxaanu wasiirku kaga jawaabay sidda. “Miisaniyadu waa Odoros waa malo awaal waa wax aanu fillayno, meelaha aanu fillayno in ay ka soo baxdana Buugay ku qorantahay sidu ku talogalku yahay, waad la socotaan oo sanad walba waxanu idiin keena Miisaniyad ku tallo galku wuxu yahay ah, Shanta Sanno ee hawsha aanu wadnayna Sanad-na ismay dhimin, 2015-kana illahay waxanu ka Baryeynaa sidaasi ku tallo galku yahay in si ka baddan u soo baxdo, haddii si ay wax noqdaan waa laydiin sheegi oo golaha la keeni illaahay kama dhigee, laakiin anagu kalsooni weynbanu qabnaa in ay soo baxso, waxa kale oo aan iyana ka jawaabayaa lacagta ka soo hadha miisaniyada waxa la galiyaa miisaniyada danbe.”Ayuu yidhi Wasiirku.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Wasiirka Maaliyada Su’aal ka waydiiyey Sababta Xukumadu Miisaniyad augu dariwayday Xabsiga Magaalada Borama oo uu sheegay in uu yahay Xabsiga ugu xun Somaliland isla markaan mar ay kormeer ay ku tageen hal Daqiiqo ay ku jiri kariwaayeen, ayaa wasiirku waxa uu kaga jawaabay in Xukumadu dadaal ugu jirto sidii u dhisilayad dhammaan hay;ada dawlada ee Gobolada iyo Degmooyinka waxanu tilmaamay in xagga dhismuhu uun uu kala horeyo ee loo soo socdo Borama iyo gobolada kaleba.
Xildhibaanku waxa kale oo uu wasiirka waydiiyey Madama oo lacagta la siiyo Maxaabiista Jeelasha ku xidhan ay yartahay sababta loogu kordhin waayey, waxanu Samaale sheegay in Miisaniyadan lacag loogu daray dadka maxaabiista iyo Guud ahaan Garsoorka dalka waxanu xusay in baahiyaha dalka ka jiran aan mar kali ah lawada kafeyn karayn basle kolba mid ay dhameyndoonan.
Geesta kale, waxa mudaneyaashu u balameen inay maalinta berri sii wadan doonaan Su’aalaha Wasiirka lagaga waraysanayo Miisaaniyada golaha hortaala, kaddib markii uu Maanta wakhtigu ka dhacay xildhibaanadii ku qornaa Diwaanka Su’aalaha.
Inkasta oo ay qaar ka mid ah xildhibaanadu ay ka biyo diideen inay maanta ka hadhaan Su’aalaha ay Wasiirka Waydiinayaan, hadana Shir-guddoonka Aqalka Wakiillada oo Fadhiga soo xidhay xilla-qadihii markii Salaadda Duhur laga soo baxay, ayaa XIldhibaanada ku war-geliyay inay maalinta berri u soo diyaar garoobaan Su’aalahooda.
Khaalid Xamdi
Gobanimonews
Hargeysa Office