Sunday, December 14, 2014

War Deg-deg: Boorama oo Xildhibaanno iyo Dad rayid ah xabsiga loo taxaabay

<strong>Xiisadda Awdal oo sii xumaatay, Badhasaabka oo cambaareeyay Ciidamada Gobolka la dul-dhigay iyo Xildhibaano kale oo ka hadlay...</strong>

MEODBoorama(GNA)-Dad kor u dhaafaya 25 Ruux u badan dhalinyaro ayaa xabsiga loo taxabay Maanta Magaalada Boorama ee Caasimadda gobolka Awdal, kaddib xiisad maalmahan ka taagnayd Gobolkaas oo sababtay Mudaharaadyo rashado wata oo shalay dhacday.

Dadka la xidh-xidhay waxa ku jira ilaa 3 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Boorama, kuwaasoo sida la sheegay laba ka mid ah loo soo dhaadhiciyay Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada la xidh-xidhay ayaa mid ka mid ah magaciisa la yidhaahdaa, Xasan Muxumed Faarax.

Ma cadda sababta ka dambeysa xadhiga dadkan la xidh-xidhay, hase ahaatee warar laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya inay diidmo kala hor-yimaadeen Ciidamo ku gedaamnaa maalmahanba Deegaanka Qol- ujeed oo dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Borama, halkaasoo la tuhunsanyahay inuu ku sugan yahay Suldaan ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal oo dhawaan ku dhawaaqay hadalo ku lid ah Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay maamulka Gobolka Awdal iyo laamaha kale ee Xukuumadda u qaabilsan nabad-gelyada gudaha, hase ahaatee Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo shalay markii uu soo gaadhay Magaalada Boorama Warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay Culayska Ciidan ee ay Xukuumaddu dul dhigtay Dadka reer Awdal.

Cabdoo Aayir, ayaa si cad farta ugu fiiqay inay xad gudub ula muuqato maamul ahaan talaabada Milateri ee ay dawladdu kaga jawaabtay tabashadii Suldaan Wabar  iyo deegaankiisa ka soo yeedhay.

“ waxaan leeyahay xukuumad ahaan umay baahayn arrintu Gobolka ciidankan faraha badan ee la keenay, waxay baahantahay wada hadal, oo waa in wadahadal lagu xaliyaa, marka wadahadalka waxba ka soo bixi waayaan ayaa wixii duruuftu kalifto in looga wareego ay tahay, laakiinse arrintaa ciidamadu sida iiga soo baxaysa dareemada culaysbay shacbiga ku tahay, umaanay baran shacbiga gobolku”ayuu yidhi Cabdoo Axmed Aayir.

Waxaanu intaasi ku daray “waxaan u arkaa in  arrinka Gobolku Miisaankii lagaga howl geli lahaa aanu lahayn, howshaana waxa gacanta ku haya wasiirradii xukuumadda iyo deegaankii uu Suldaan Wabar ka soo jeeday”ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Cabdoo oo shalay markii qalalaasuhu ka aloosnaa Magaalada Boorama isna lagu soo dhaweeyay halkaasi oo safar dibada ah kaga maqnaa.

Xildhibaano ka hadlay shaqaaqada

Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa shacbiga ku dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel ugu baaqay inay nabad-gelyadooda ilaashadaan, isla markaana aanay maatadooda u horseedin hujuumka Ciidan ee ay xukuumaddu sida indho la’aantu ku jirto ugu istimaalayso rayidka.

Xildhibaan Aareeye ayaa yidhi “Dadka reer Awdal iyo Selel, waxaan leeyahay inagu Somaliland ayaynu nahay, Somaliland ayaynu ku dhegsanaanaynaa, iska daaya dhibaatada, Carruurtiina ayaanay RRU-da iyo Ciidamadu cagta marin” ayuu yidhi. Mudane Aareeye oo walaac xooggan ka muujiyay qaabka ay dawladdu wax u wado iyo sida qalafsan ee ay ula hadlayaan dadka.

“waxa Awdal, Selel ilaa Barri ka socdaa waa dil-dilaacii kulmiye , waxaasi waa dil-dilaacii Somaliland yaan inaga laynoogu soo gaban waxay doonayso Xukuumadda iyo Ninkan hogaaminayaa”ayuu yidhi Aareeye.

“annagu ma rabno in Tabashadiina reer Awdal iyo reer Selelow Somaliland ku bur-burto, Somaliland waa dhabarkii iyo Xanjeedkii, ma doonayno inay tabashadiina ku bur-burto”ayuu  hadalkiisa raaciyay.

Geesta kale, Xisbiyada Mucaaridka iyo Xildhibaanno ka kala tirsan goleyaasha Baarlamanka iyo Deegaanka Degmada Boorama ayaa si kulul u cambeereeyay cadaadiska aan meesha ee ay xukuumaddu ku hayso Bulshada reer Awdal.

Gobanimonews

Boorama Office

Email: editor@gobanimonews.com

Boorama: Xildhibaanno iyo Shacab tiro badan oo Xabsiga loo taxaabay Maanta

Xiisadda Awdal oo sii xumaatay, Badhasaabka oo cambaareeyay Ciidamada Gobolka la dul-dhigay iyo Xildhibaano kale oo ka hadlay...

Dad kor u dhaafaya 25 Ruux u badan dhalinyaro ayaa xabsiga loo taxabay Maanta Magaalada Boorama ee Caasimadda gobolka Awdal, kaddib xiisad maalmahan ka taagnayd Gobolkaas oo sababtay Mudaharaadyo rashado wata oo shalay dhacday.