Hal-abuur ama Abwaann, waa qofba siduu u’yaqaanne, sifaha guud marka laga hadlayo dhammaantood waxa ay isku yihiin Bahda Suuggaanleyda, hase-yeeshee marka hoos loogu dhaadhaco mid walba waxa uu leeyahay Suuggaan u gaar ah, oo uu kaga duwan-yahay Jaalleyaasha ama Asxaabtiisa kalee ay Maansooleydda isku yihiin. Tusaale ahaan, mid waxa uu Suuggaantiisa inta badan kaga hadlaa arimaha dhaqan, qaarkood waxa Maansooyinkoodu u janjeedhaan dhinca Jacaylka, kuwaa jira Liishaankoodu aanu marna hoos uga dhicin xagga Wadaniyada. Hal-abuurada qaarna waxa ay caan ku yihiin arimaha guubaabada iyo kicinta bulshada, waxa kaloo jira qaar Suuggaantooda ku cabira dhanka dabbeecada, sida Cimilada, Xoollaha, Duur-joogta, iyo sidoo kale sifooyinka Buuraha, Dooxooyinka, Webiyada iyo Baddaha.Sidaa si lamid ah ayaa siyaasiyiintuna, waxa ay leeyihiin dabbeecaddo iyo Luqaddo gaar u ah, oo midba kan kale uu kaga geddisan yahay, haddii aynu tusaale usoo qaadano shaqsiyaad kamid ah siyaasiyiinta ama ragga Golaha Xukuumada ku jira ee Maanta ku doobya Saaxadda siyaasadda Somaliland, Wasiir Sacad Cali Shirre waxa lagu tilmaamaa qof ku ad-adag maamulka, shaqadiisana ku e’g, haddii laga tegi waayo marka Golaha Wasiirada ama kulanada gaarka ah la isugu yimaado, Nin inta badan arimaha iska taaga dhinaca saxda ah ama Toggan, sidoo kale, Wasiir Xirsi waxa isagana reer Somaliland u taqaan Nin gacan-furan, qaybo badan oo bulshada ahna ku xidhan, hase-ahaatee waxa intaa u weheliya oo lagu xantaa waaya-aragnimo la’aan fara-badan oo dhinaca maamulka ah iyo fuddayd xad-dhaaf ah.
Axmed X Cali (Caddami) iyo Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse), ayaa iyagana lagu tilmaamaa Niman aan wax taageero ah bulshada ka haysan, balse Xukuumadu u haysto oo keliya Aftahanimo iyo siday xaq iyo xaq darro labada ugu difaacaan, halka Dr. Cabdi Aw-Daahir dadku u yaqaan Nin aan laba haysan Xukuumada uu ka tirsan yahay, oo weli aan kasoo doogin jugihii kasoo kala gaadhay Xisbigii UDUB, kadib Geeridii Marxuum Cigaal iyo guuldaradii kaga dhacday doorashadii Golaha Wakiilada.
Geesta kale, Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa marka la sharraxayo Luqadda ama Lah-jadihiisa-siyaasadeed, waxa lagu tilmaamaa kuwo isku dhaf ah, oo isugu jirta qaar ku abtirsada Sharreecadda Islaamka, iyo sidoo kale, kuwo u-janjeedhaa dhanka Cilmaaniyada [Secular], taana waxa daliil u ah doorashadii aqalka Wakiilada ee 2005-tii, waqtigaasoo Md. Samaale uu isu soo taagay tartankii loogu beratemayey Labba iyo Siddeetanka [82-Ka] Kuraasi ee Golaha Wakiilada cusub, aakhirkiina waxa uu ku fadhiistay Kursiga Labbaad [Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad] xubnihii hoggaanka ee uu iska dhex doortay Golaha cusub ee la soo doortay. Intaa kumuu e’kaane markii Xisbigii uu ka tirsanaa ee KULMIYE taladda dalka la wareegay, waxa uu xubin firfircoon ka noqday Kaadiriinta ama kooxaha u kala dab-qaada Xukuumadii KULMIYE ee Kub-ku-siigaalaha ahayd iyo sh aqsiyaadka danaha-siyaasadeed laga leeyahay.
Hase-ahaatee, markii muddo Saddex sanno ah Xukuumada KULMIYE talada dalka gacanta ku haysay, sidoo kalena Is-fahan la’aan siyaasadeed uu durba ka dhex bilaabantay qasriga Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumada, oo aynu ka xusi karno Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, jaggadaasoo markii dambe Dr. Gabboose uu iskii iskaga casilay iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirka Maaliyadda, hase-yeeshee markii uu ku ad-adkaaday, marar badana uu is-hortaag codsiyo dhaqaale, oo dhanka Madaxtooyada laga soo diray Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday, geesta kalena waxa bedelkiisa jaggadaa lagu usoo magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isagu 22 March, 2012 wixii ka dambeeyay ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, marka dhankaa wax laga eego, waxa Md. Samaale uu u muuqdaa Nin siyaasadiisu u-janjeedho dhinaca reer Galbeedka, oo aan loo tuhmi karin, una aanoobin xagga Wadaadada. Balse taas bedelkeeda haddii aynu ka eegno, waxa Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Rasuulku ka qabaan habka iyo hannaanka uu Md. Cabdicasiis usoo maray xilka uu Maanta hayo iyo kuwii horee uu soo qabtay, arinkaa fasiraadiisa waxa tusaale inoogaga filan… La soco Caddadka Dambe.
Source: Yool