Wednesday, December 17, 2014

Maayarka Maydh ma Aqoon la’aan baa Gabood falka aan Xadka lahayn ee uu ka geysanayo Degmada, mise..?

maudh



Maayarkan waxaa lagu wareejiyey xilka maayarnimo bishii afraad ee sannadkii 2012 ka dib markii uu geeriyooday (AHN) Maayarkii hore ee degmada Maydh Sh.Siciid Sh. Yuusuf Sh. Siciid, waxa uu maayarkani isaga oo England ka yimid la kulmay geeridii maayarka hore ka dib waxaa uu geed dheer iyo geed gaabanbba u koray sidii looga dhigilahaa maayar, ka dib maadaama aanay lahayn gole degaan oo xildhibaanadu iska dhex doortaan maayarka ee kani yahay mid uu soo magcaabo wasiirka arimaha guduhu wuxuu ku guuleystay loollankiisi ku wajahnaa maayornimada sidii ayuuna ku fadhiyaa kursiga duqa magaalada Maydh.. hadaba su’aasu waxay tahay ma u gutay xilkan sidii laga rabay mise waxbaa qaldan?



Waa kuma marka hore shakhsiyadda Maayorkani?



Waa shakhsiyad muddo badan dalka debedda kaga maqnaa,inkasta oo aanu mudadaas marna qaban haba yaraatee wax shaqo ah oo  uu ka heli lahaa khibrad uu wax ku maamuli karo,waa shakhsiyad aan haba yaraatee hannaanka maamulka iyo habsami u socodkiisa wax fekred ah ka haysan,waa shakhsi aaminsan shaqada loo dhiibay inay tahay oo keliya waxaan ahay guddoomiyaha magaalada iyo in wax lagu cuno oo keliya, waa shakhsi hilmaamsan in shaqadan loo dhiibtay tahay in uu bulshada ugu adeego,kaga shaqeeyo horuu marinta degmada sida laydhka,biyaha,waxbarashada,bilicda magaalada,dadka magaalada uu la socdo xaalkooda,kan la dulmiyey ee hantidiisi laga dhacay usoo celiyo,kan daalimka ah uu dadka ka dhexqabto.,mustawaha nololeed ee bulshada uu maayarka u yahay ku nooshahay in uu la socdo,kuwa danyarta ah uu wax la qabto ilaa isagaa ka masuul ahe… bal iskaba daa in uu wax ka qabto ee kumaba fekero xataa hal habeenna kuma soo dhicin waxyaabahaas aan sheegnay mid ka mid ahi,waayo waa ninka ilaa maalintii xilkaa loo doortay weligiisba ma dhexjoogin Maydh toban cisho oo xiriir ah.



Waxay dawladdu siisaa degmooyinka lacag loo yaqaano “KAB” halkii uu ku fekeri lahaa waxaa ka qabyada ah ee loo baahan yahay qabyo tiridooda iyo meesha waxka qabad u baahan, wuxuu ku fekeraa sidii loo samayn lahaa waraaqo been abuur ah oo uu leeyahay waxaas iyo waxaas Ayaan ku qabtay subxaanallaah.. Maayarkani wuxuu caan ku yahay marka uu soo qaato lacagta kabka ah in uu isla habeenkaasba inta uu gaadhigiisa biyeysto ugu jeexo ilaa Hargeysa si uu lacagtii loogu talo galay horuu marinta degmada ugu soo baab’iyo, Maayarkani wuxuu caan ku yahay marka uu arko qolo jaaliyadda ah amaba NGO’s leh waxaan  kaalmadan (ha noqoto,shebaag amaba qalab kale oo waxtar u leh degaanka iyo dadkaba)u sidnaa degmada Maydh uu yidhaahdo aniga ayaa geynaya oo guddoomiyihii ah,ka dib marka lagu wareejiyona aanu gaarsiin dadkii wixii loogu soo dhiibay.



Mar saddexaad wuxuu caan ku yahay guddoomiyahani, markii uu dalka ka tegay ayuu wuxuu ogaa iyada oo la kala adag yahay oo baadda layska qaado,sidaa darteed cidkasta oo kasoo harjeesata sida uu wax u wado wuxuu kula gariirayaa baakoorad oo dhulka ku dhigayaa isaga oo aan u kala aabbo yeelaynin caruur iyo ciroole ama xadhig iyo cago jugleyn,waa maayarka ilaa maalintii xilkan loo dhiibay aan hal maalin fadhiisan xafiiska maayarnimada si uu ummadda ugu shaqeeyo uguna kala xaqsooro,haddii arrimahan mid ka mida aan been abuur uga shakido waxaa markhaati iigu dhow dhamaan dadka reer Maydh.



Waa mayor xariifku ah sida wax loo cuno,khasnajiga dawladda hoose ee degmada Maydh oo runtii ah nin ILAAHAY yaqaana maayarkanna inta uu doono ka wayn maalin kasta isaga oo jooga Ceerigaabo ama Hargeysa waxa keliya ee uu usoo garaacaa danta dadka maaha fulinta shaqooyinka u yaallana maaha ee waa doonidii Yemen laga lahaa ee xalay soo gashay lacagteedii iisoo dir waxyar ninkaas odeyga ahina haddii uu la habsaamo aflagaaddo iyo shaqadaan kaa eryayaa ayaa daba socota, waa shakhsiyad ku caan baxday alla ka fogaad,waa shakhsiyad aad ugu xun balwadaha sida qaadka,sigaarka iwm.



Marka keliya ee uu Maydh yimaadda tan iyo maalintii la doortay waa marka uu maqlo wefdi ayaa tegaysa Maydh Agaasime ama Wasiir maalintaas ayuu yimaaddaa isaga oo wata inan suxufi ah si uu u duubo beenta uu fagaaraha ka akhrin doono,sababtoo ah waa nin jecel in laga arko muuqbaahiyeyaasha iyo goobaha bulshadu isku waraysato sida faceboogga oo kale,waxaa magaalada markii ay aragtay laydh la’aan baahsani inay ka jirto ugu deeqday meshiin laydh hay’adda Care international oo geysay Maydh nin ganacsade ahina wuxuu keenay meshiin baraf dhaliye ah labadii meshiin ee midna aanu raadka ku lahayn ayuu iskaga qaaday shan boqol oo sawir ka dibna soo face-ka isaga oo leh “waa markii ugu horeysay ee aan ka hirgeliyey Maydh meshiin baraf dhaliye ah” bal imminka gal face k aka dibna fiiri page ayaabuu u samaystay ay ku qoran tahay Moyer Hosein..!!   marka wefdigaasi kasoo noqdaanna iyada ayuu dib usoo raacaa,sidaa darteed ayey dadka reer Maydh waxay u yaqaaniin Maayor gelbiye.



Hagardaamooyinka uu geysanayo Maayor Husein Abdiraxmaan Sheekh siciid maaha kuwo halkan lagusoo koobi karo ee si rasmi ah haddii qalinka loogu qaato waxaa laga qori lahaa bugaag dhawr volume ah ee waxaannu kusoo koobaynaa talo bixino dhawr ah.



1.      Inay wasaaradda arrimaha guduhu dadka ay shaqadan oo kale u dirsanayso marka hore ka eegto arrimahan: aqoon,karti, iyo amaano,si shaqadaas loogu gutto si tayo leh.



2.      In wasaaradda arrimaha guduhu dardar geliso qaybteeda supervision si ay u ogaato xaqiiqada warkan aan soo tebinayo oo kale,isla markaana go’aan uga gaadho.



3.      Inay dadka reer Maydh bartaan cidda loo caban karo iyo sida loo cawdo (petition)  si ay uga baxaan mashaakilkan kasoo waajahay dhinaca maamulkoodan cusub.



4.      Inay ogaadaan in xilku yahay wareegto masuuliyiin ayaa magcawday haddii uu ku fashilmo xilka loo dhiibay gudashadiisana markii ay doonto ka xayuubin doonto.



5.      Inay wasaaradda arrimaha guduhu la xisaabtanto bal waxa lagu qabtay lacagtii ay bixinaysay,haddii ay hesho qoray meel laga taagay waa waxqabad laakiin waanayba helaynin.



 



Waxaa iga xasuusin ah in aanay jirin wax nacayb gaar ahaaneed ah oo aan u hayaa maayarka shakhsiyaddiisa ee aan soo gudbiyey oo keliya ficilladiisa iyo misuse uu ku samaynayo shaqadii loogu dhiibay in uu bulshadiisa ugu shaqeeyo.



 



 



Waa qalinkii weriye: Saciid Jaamac Muuse



 Email :Drraaqibsargaani@gmail.com