
Muqdisho(GNA)-Safiirkii Dawladda Soomaaliya ee dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, ayaa loo magacaabay reysal-wasaare cusub, sida uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku dhawaaqay goor dhaweyd.
Waa reysal-wasaarihii saddexaad ee dawladda Xasan Sheikh Maxamuud soo maray laba sannadood iyo badh gudahood.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta si rasmiya ugu magacaabay Mr. Sharmarke reysal-wasaare, kaddib hadal hayn maalmihii ugu dambeeyay warbaahinta ku jirtay oo ku saabsan cida loo magacaabayo Wasiirka koowaad ee xukuumadda.
Magacaabista Cumar Cabdirashiid ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu Baarlamanka Soomaaliya uu kalsoonida kala noqday Xukuumaddii Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed oo bishii December ee sanadkii 2013-ka.
Kaddib Magacaabista Magaalada Muqdisho oo aan taageero badan looga haynin Reysal-wasaaraha cusub, ayaa ammaankeeda la adkeeyay.
Ciidamo Xad dhaaf ah ayaa la dhigay inta badan waddooyinka Magaalada dhexdeeda.
Gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa laga soo sheegaya in looga dabaal-degayo reysal-wasaaraha cusub, waxa ka mid ah Gobollada dhexe.
La soco goor dhow warbixinta oo dhamaystiran