
Hargeysa(GNA)-Boqor Axmed Maxamed Xasan oo ah Madaxdhaqameed, dhinaca kalena Siyaasadda qayb ah, horena isugu sharaxay Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo waraysi uu bixiyay ku duray Shacbiga Gobolka AWDAL iyo Suldaan Abubakar Wabar oo dhawaan Gobolkaas kaga dhawaaqay maamul ku lid ah gooni-isutaaga Somaliland.
Axmed Maxamed Xasan ayaa hadalka Buur-madow ku tilmaamay mid sii kala fogaynaya Suldaanka reer Awdal ee tabashada Gobolkiisu saamaysay qadiyada guud iyo dawladda Somaliland, waxaanu intaasi raaciyay in boqor Buur-madow ay ahayd inuu dhexdhexaad ka noqdo xaajjada Gobolka awdal iyo dawladda u dhaxaysa ama uu iska aamuso.
“Boqor Buur-madow wuxuu inoo sheegay inay Xukuumaddu Xiisadda AWDAL ka taagan iyadu Muddo kordhin ka raadinayso”ayuu ku sheegay Waraysi uu siiyay Gobanimonews, kaasoo uu Boqor Bad-madow sidoo kalena fariin ugu diray Shacbiga reer AWDAL.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/boqor-badow.mp3"][/audio][audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/boqor-badow.mp3"][/audio]