Tuesday, December 16, 2014

Ciidamada Booliska oo maanta saacado kooban xidhay wariye Mustafe Axmed(Herer).

aniga1 Hargaysa(GNA).ciidamada booliska somaliland ayaa maanta soocado kooban xidhay agaasimaha shabakada gobanimonews.com mustafe axmed herer ka dib markii ay ka qabteen jidka hor mara madaxtooyada somaliland, khaastan agagaarka loo yaqaano Ishaarada wakhti uu ku guda jiraya shaqo maalmeedkiisa.
ciidamada ayaa suxufigan qabtay isaga oo xiligaasi muuqaalo ka qaadaayay taageerayaasha xisbiga Ucid oo ay ciidamadu iska hortaageen inay maraan wadada madaxtooyada marta waxaanay qadar haaf saaca ku hayeen xarunta Ciidanka Asluubta iyada oo markii dambe ay ciidamadu soo daayeen ka dib markii mid ka mida taliyeyaasha ciidanka boolisku ay amreen in la sii daayo islamarkaana laga masaxo oo laga dhiliid gareeyo sawiradii uu ka qaaday goobta ay ciidamadu joogeen ee ay iska hortaageen xisbiga ucid. balse ciidamada booliska oo aalaaba looga bartay inay jidh dil u gastan wariyeyaasha ayaan maanta ku kacin falkaasi.
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/somaliland