Thursday, December 18, 2014

Borama: Guddoomiyaha J.Camuud oo markii ugu horaysay sheegay in nidaamka s/land dhinac ka raran yahay, dastuurkuna raali ka yahay!

Xaaladda cakiran dhawrkii todobaad ee u dambaysay ka taagnayd magaalad Borama ayaa waxa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in si dag dag ah loo soo afjaro xaaladda uu ku jiro gobolka Awdal .



 shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Borama aqoon yahannada gobolka Awdal ayaa waxay si cad u sheegeen inay taageersan yihiin salaadiinta gobolka go’aankii ay qaateen ee ahaa inay xukuumadda u gudbiyeen codsi ah dhinaca saami qaybsiga,waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay ku taageersan yihiin shirkii jaraa’id ee ay qabteen shalay ee ay ku sheegeen in ammaanka la ilaaliyo wixii hawl ahna looga dambeeyo salaadiinta gobolka.



Guddoomiyaha jaamacadda camuud Prof: Suleiman Ahmed Guled oo shirkan jaraa’id maanta daahfuray ayaa sheegay in aqoon yahannada gobolada galbeedka aan looga baran inay siyaasadda faro-galiyaan oo ay mar kasta ka hadlaan arimaha siyaasadda, bulshada reer Awdal ay yihiin dad aqoon u leh doorka qofkasta uu kaga jiro bulshada oo ay shaqadu u qaybsan tahay.



Guddoomiyaha jaamacadda camuud ayaa sidoo kale sheegay in ay maanta waajib ku noqotay aqoon yahannada gobolka  ka hadalka xaaladda uu ku sugan yahay gobolku, maadaama maalmihii udambeeyay ay xaaladda gobolku ahayd mid kacsan. Prof, Suleiman Ahmed Guled ayaa sheegay inay salaadiinta gobolada Galbeedku aynan u socon saamigoodee ay  usoocdeen in la saxo saamiga qaybsiga Somaliland oo beryahan dambe ah mid la isku raacay inuu dhinac ka raran yahay.



Guddoomiyaha oo ka hadlay meesha uu ka jiro qaladka dhinaca saami qaybsiga ayaa sheegay inuu qaladku ka yimid shir ay beesha dhexe isugu timid Baleygubadle kadib burburkii dawladdii dhexe ay ku heshiiyeen inay ardaayo wax ku qaybsadaan, islamarkaasina beelaha darifyada xilligaasi aan lagu darsan qorshaha, sannadkii 1991, shirkii ka dhacay Burco-na la ansixiyay heshiiskii Baleygubadle. Waxa sidaa iisheegay buu yiri guddoomiyuhu Axmed Muxumed Madar oo ah guddoomiyaha hay'adda maamul wanaagga iyo musuqmaasuqa. Prof: Suleiman  ayaa intaasi ku daray in dastuurka Somaliland-na uu hashiiskaa ka dhigtay tixraac oo dastuurka laftiisa heshiiskaasi lagu saleeyay oo isku dheelitirkii meesha ka maqan yahay illaa hadda.



Prof: Suleiman Axmed Guled ayaa sheegay in tabashada la sheegayaa ka  horaysay xukuumadda kulmiye ee ay soo socotay illaa xilligii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageedda, taasina waxa looga bixi karaa buu guddoomiyuhu yiri in dastuurka dib loogu noqdo oo la saxo qaladkii hore ee dhacay, xukuumaddana looga baahan yahay in dhankeeday ay saxdo waxay sixi karto.



Gabagabadii guddoomiyaha jaamacadda camuud Prof: Suleiman ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadani tahay tii ugu wanaagsanayd ee soo marta Somaliland, isagoo dhanka kalena ku booriyay bulshada ku nool gobolada galbeedku inay ammaanka iyo nabadda ilaaliyaan oo maanta aan la taagnayn xilligii ammaanka khalkhal la galin lahaa, waxa kale oo uu intaasi ku daray in qurbe jooggu ka daayaan farogalinta arimaha gudaha ee looga baahan yahay inay horumar kasameeyaa wadamada ay kunool yihiin.



Mursal Elmi



Gobanimonews