Sinai (GNA) Saraakiisha dowladda Masar ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar lagu qaaday markab kuwa xamuulka container ka ah xili uu marayay gacanka biyaha aadka mashquulka u ah ee Suez.
Madaxa kanalka Suez Mohab Mamish ayaa sheegay in isku day weerar cadow tinimo lagu qaaday markabkaasi xili uu marayay gacanka Suez in kastoo aaney wax dhibaato ah soo gaadhin markabkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen halkaasi in kastoo aaney jirin wax faahfaahin ah oo cadaynaya weerarkaasi la sheegay in lagu qaaday Markabka.
Gacanka Sinai ee dalka Masar ayaa waxaa ka dhacayay mowjado qaraxyo iyo rabshado isugu jira tan iyo markii awooda dalka Masar laga tuuray madax waynihii sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay ee Max’ed Mursi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jiraan sidoo kale laba qarax oo ka dhacay markabka Cosco Asia xili uu marayay wadadiisa biyaha gacanka Suez ee dalka Masar.
kanalka Suez ayaa waxuu u dhaxeeyaa dekeda Port Sacid iyo Suez halkaasi oo ah wadada ganacsiga caalamka ee u dhaxaysa bada cas iyo mida Mediterraneanka .
Wali lama xaqiijin hadii weerarkaasi uu la xadhiidho dibad baxyada ay wadanka Masar oo dhan ka wadaan taageerayaasha Madax waynihii xilka laga tuuray 3 dii bishii July ee Max’ed Mursi iyo in kale.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com
askars4@hotmail.com