Tuesday, September 17, 2013

Wasiir Xaglo toosiye oo Shaqaalihii Caafimaadka Buuhoodle ku bedelay Saraakiil Beeshiisa ah iyo Talaalkii oo u Joogsaday Muran ka Dhashay


Buuhoodle(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa todobaadkan magacaabay saddex Sarkaal oo uu ku bedelayo Shaqaalihii Wasaaradda Caafimaadka ee Buuhoodle oo mudo dheer halkaasi ka shaqaynayay.




Saddexda Sarkaal ayaa dhamaantood ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo, isla markaana ay jifi hoose isku sii yihiin,  sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow Xafiiskiisa, isagoo Hargeysa uga sii dhiibay agabkii Talaalka lagaga fulin lahaa deegaamada Buuhoodle hoos-yimaada.




Shaqaalaha hore u joogay Magaalada Buuhoodle oo kala qaabilsanaa  hawlaha talaalka, Xanaanooyinka iyo adeegyada kale ee Caafimaadka, ayaa hawlaha ugu badan ee ay qaban jireen lagu sheegay fulinta Talaalka oo si teel-teel ah looga fulin jiray degmooyinka gobolka.




Isku bedelka uu ku sameeyay Shaqaalaha cusub ee uu dirtay iyo kuwii hore, ayaa sababay is-qab-qabsi iyo muran hakad geliyay in la fuliyo Ololaha Talaalka cidhib-tirka Dabaysha oo wareegii afaraad oo todobaadka ka bilaamay guud ahaan Goboladda Somaliland.




“Talaagadihii iyo qalabkii kale ee Talaalka  Buuhoodle waxay iska yaalaan Buuhoodle, waxaana isku qabsaday shaqaalaha cusub ee uu soo diray iyo kuwii hore, dhamaana talaalkii Gobolka loogu talo-galay wuxuu ku qalalay Guri ku yaala gudaha Buuhoodle”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Odayaasha  Magaalada Buuhoodle.




Shaqaalaha uu bedelay iyo kuwa cusub ee uu magacaabay ee ay isku jifida yihiin, ayaa kala ah sidan:- Faadumo Ismaaciil Wayrax madaxii Talaalka ee Buuhoodle, wuxuu ku bedelay Xasan Yuusuf Maxamed,Bashiir Cali Maxamuud oo haystay xanaanoyinka, waxa uu ku bedelay Cabdisalaan Maxamuud Barkhadle.




Geesta kale Cali Maxamed Cali oo saraakiisha Caafimaadka Gobolka ahaa wuxuu ku bedelay Faarax Siciid Warsame oo cusub, waxaana arintaasi wali ka taagan muran xoogan oo saameeyay hawlaha talaalka.




Maaha markii ugu horaysay ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed oo ka soo jeeda gobolka Buuhoodle lagu eedeeyo inuu kala qaybiyo Bulshada Gobolka oo aan markii horeba la dhacsanayn nidaamka Somaliland, balse markii la magacaabay laga sugayay inuu mideeyo aragtiyaha siyaasadeed ee ay ku kala qabsanyihiin.




Taasoo bedelkeeda tan iyo markii la magacaabay hagardaamooyin hor leh oo uu geystay laga sheeganayo, isla markaana ay Eedeymo kala duwan Warbaahinta u mariyeen Dad ka cabanaya balanqaadyo uu kaga baxay, eedeymahaasoo uu qaarkood iska difaacay, balse aanu jiritankooda xaqiiqada ka sheegin.




Gobanimonews




Hargeysa  Offiice




Email: editor@gobanimonews.com