(GNA) Haweeney la odhan jirey Debi Austin oo caan ku ahayd sigaar cabida ayaa ku geeriyootay cisbitaal ku yaala gobolka Kaalifooriya (California) 22kii August 2013. Haweeneydan oo Kansar ku dhacay darteed hunguriga laga saaray, dhuuntana laga dalooliyey si ay uga neefsato ayaan hadana ku guuleysan inay joojiso cabista sigaarka. Waxay sigaarka ka qaadan jirtey dhuunta waxayna dhakhaatiirtu uga digeen arrintaa.
Debi waxay caan ku noqotay inay u dagaalanto sidii looga mamnuuci lahaa sigaarka dalka Maraykanka. Waxay wax badan ku celcelisay sida balwada sigaarku nolosheedii u baabi'isey. Labaatan sano ka hor ayaa qaliin lagaga sameeyey dhuunta ka dib markii uu haleelay kansarka dhuunta ku dhaca oo inta badan dadka sigaarka caba ku dhaca. Waxay sheegtay inay wax badan ku dadaashay sidii ay balwadan uga bixi lahayd laakiin kuma guulaysan. Ilaa ugu danbayntii ay u geeriyootay.
Debi Austin
Inkasta oo qof waliba waqtigiisa dhimanayo hadana waxaan shaki ku jirin in sigaarku u sabab u noqdo lagana qaado xanuuno badan oo loo dhinto. Dalka Maraykanka waxaa ku sii badanaya yareynta meelaha lagu cabbo sigaarka. Iskuulada, garoomada diyaaradaha, cisbitaalada iyo meelaha laysugu yimaado oo dhan waa laga mamnuucay in sigaar lagu cabbo.
Haweeney la odhan jirey Debi Austin oo caan ku ahayd sigaar cabida ayaa ku geeriyootay cisbitaal ku yaala gobolka Kaalifooriya (California) 22kii August 2013. Haweeneydan oo Kansar ku dhacay darteed hunguriga laga saaray, dhuuntana laga dalooliyey si ay uga neefsato ayaan hadana ku guuleysan inay joojiso cabista sigaarka. Waxay sigaarka ka qaadan jirtey dhuunta waxayna dhakhaatiirtu uga digeen arrintaa.
Debi waxay caan ku noqotay inay u dagaalanto sidii looga mamnuuci lahaa sigaarka dalka Maraykanka. Waxay wax badan ku celcelisay sida balwada sigaarku nolosheedii u baabi'isey. Labaatan sano ka hor ayaa qaliin lagaga sameeyey dhuunta ka dib markii uu haleelay kansarka dhuunta ku dhaca oo inta badan dadka sigaarka caba ku dhaca. Waxay sheegtay inay wax badan ku dadaashay sidii ay balwadan uga bixi lahayd laakiin kuma guulaysan. Ilaa ugu danbayntii ay u geeriyootay.
Debi Austin
Inkasta oo qof waliba waqtigiisa dhimanayo hadana waxaan shaki ku jirin in sigaarku u sabab u noqdo lagana qaado xanuuno badan oo loo dhinto. Dalka Maraykanka waxaa ku sii badanaya yareynta meelaha lagu cabbo sigaarka. Iskuulada, garoomada diyaaradaha, cisbitaalada iyo meelaha laysugu yimaado oo dhan waa laga mamnuucay in sigaar lagu cabbo.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com