Friday, September 6, 2013

Somalia:Madaxweynaha oo caalamka ka codsaday in gargaar la gaarsiiyo Jubbooyinka


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan uu la qaatay dhamaan safiiradda dalalka shisheeye ee ku sugan caasimadda, isaga oo ka codsaday in beesha caalamka ay gargaar la gaarto goboladda Jubbooyinka.




Waxa uu madaxweynaha dublamaasiyiinta oga warbixiyey heshiiskii dhawaan ka dhacay Addis Ababa, isaga oo ka codsaday in la taageero heshiiskaasi.




Dowladda ayaa durba biloowdey in ay si rasmi ah wadashaqayn toos ah ola yeelato maamulka KMG ah ee Jubba, iyada oo wafuudda caalamiga ah lagu soo wajaho Kismaayo, islamarkaasina qorshayaasha dowladda lagu daray arrimaha shacabka Jubbooyinka iyo baahidooda gaarka ah.